GUURKEEDA WAXAAN DOONAYAY INAAN KU DHOOFO, WAANSE KU KHASAARAY!!!

GUURKEEDA WAXAAN DOONAYAY INAAN KU DHOOFO, WAANSE KU KHASAARAY!!!

waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo 29 sano jira, waxaan ku koray dalkeena, waxaan dhameeyey dugsigii sare iyo jaamicadii, kadibna shaqo ayaan waayay, waxaan muddo 3 sano ah iska raadin jiray shaqo macquul ah, si aan noloshayda usii wato, hase yeeshee wax shaqo ah ma helin mudadaas, kadibna waxaan isbaranay gabar dal shisheeye ka soo noqotay, oo dalka ku joogta dalxiis, waxaan usoo bandhigay guur, waxay i aqbashay kadib markii ay asbuucyo ila yeelatay wareysiyo badan, waxaan goostay inaan isguursano, waxaan ka doonay ehelkii, waana la igu meheriyey, waxay noqotay bil kadib arooskeenii, waxaan ku ballanay inaan isku meel isugu tagno, hase yeeshee markii ay 3 bil maqnayd ayaan isfahmi weynay, waxay bilowday koontarool badan iyo yaad la hadlaysay, maxaad telefoonkaaga udamisay, marka waan iska dulqaatay, markii danbe waxaan aaday dalalka afrika si aan ula socda xaalka sharciga ay ii xaraysay, hase yeeshee waxba iima soo bixin, waxaan ka shakiyey inaysan daacad ka ahayn safarkeyga, waxaan isku dayay inaan isu kala daadido, laakiin arintaas waxba iima tarin, maalin ayaan si fiican khadka ugu sheekeysanay, waana isku fahmi weynay, waxay dalbatay inaan furo, waan ka diiday, kadib waxay iga goysay biilkii ay iisoo diri jirtay, telefoonkiina way iga qaban weyday, aniguna waxaan ku soo noqday magaaladii aan ka tagay, anigoo mudadaas 2-da sano ah aan waxba soo faa'iidin, waxaan kala soo kulmay niyad jab iyo anigoon wili fahmin meel aan kala qaado, wili shaqo ma helin, xataa ma fahmin magaaladaydii aan ku koray, waxaan doonayaa inaad ila talisaan, mahadsanidin.


JAWAAB
LATALIYE JAMALUDIN CAWKE
Email: talobixin@hotmail.com
marka hore waxaan kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada, iyo sida aan u qeexday arintaada, waa dhacdo maalin walba dhacda, una baahan in dhalintu si fiican u fahanto.

guurku waxaa laga leeyahay yoolal la doonayo in la xaqiijiyo, laakiin waxaa ka muuqata in yoolalkaas mid aan ahayn aad ka doonaysay, kaas oo ah inaad ku dhoofto, dhoofku waa yool kooban oo ku eg maalmahaas ay howsha bixitaanku socoto, intay doonto ha qaadatee, waa yool aad u kooban, marka la fiiriyo guurkuna waa ka xeeldheer yahay dhoof iyo in lagu gudbo marxalad kooban, wuxuuna noqonayaa guurkii raaxada kaliya laga lahaa, kaas oo ay shiicada lagu yaqaan.
waxaa hubaal ah in hadii guurka laga dhigo mid yoolkiisu kooban yahay in labada qofba aysan ku xasilayn, waad soo aragtay in qofka wax aan u qornayn uusan heleyn, waxaa kale oo ii muuqda in gabadha aad doonaysay inaad ku dhoofto ay kula fahantay sida ay noloshaadu ugu kooban tahay dhoof kaliya, taas oo laga yaabo inay kaaga niyadjabtay, aadanaha waa kala dareen badan yihiin.
waxaan kugula talinayaa arimahaan:-

inay san kuu qornayn inaad ku baxdid guurkaas, wax aan kuu qornayna ma hesheen, sidaas darteed waa inaad laabtid buugaas.
inaad gabadhaas iska furtid, maadaama ku kala tagteen noloshii, waxaa laga yaabaa inaysan kheyr kuu ahayn, markii wax lagaa joojiyo, ma ahan inaad uqaadato kaliya inay kuu ahayd kheyr, laakiin waxaa laga yaabaa in shar lagaa celiyey, Allah SWT kaliya ayaa og waxay kuu ahayd.
inaad noloshaada dib u bilowdo, oo aad shaqo raadiso, shaqo kuuma imaanayso, dalkeenuna ma leh jariirado fursadaha lagu soo qoro, iyo ururo shaqaale oo la iska diiwaangeliyo, hadaba samee inaad labadaada lugood shaqo ku raadsato, oo aad xiriiro badan samayso, maalin kasta waa inaad dhowr meelood tagtaa, oo weydiisaa inay fursad shaqo hayaan iyo in kale, nin la yiraahdo Les Brown oo khabiir ah oo ka sheekeeyey taariikhdii uu yaraa oo shaqo raadiska ahaa ayaa yiri " maalmo ayaan ku noqnoqday meel warbaahin oo aan shaqo weydiistay, markaasuu yiri ninkii meesha joogay "shalay oo ima aadan weydiin shaqo? maxaad iigu soo noqotay? markaas ayaan iri " waxaa laga yaabaa in qof dhintay ama iscasilay!!! taas macnaheedu waxaa weeye waa inaan dadaal ku bixisaa inaad raadiso fursado shaqo.
Allah bari inuu kuu sahlo arimahaaga, waad helaysaa wixii Allah kuu qoray.
FG: Waxaa jirta inay soo badanayaan dhacdooyin maalinle ah, kuwaas oo muujinaya in guurka ka dhexeeya dadka qurbaha ka yimid iyo dadka gudaha jooga, rag iyo dumarba, waxayna arintaan badisay furiinka, hadaba waxaa muhiim ah inaan isweydiino Su'aalahaan:-
maxaa keenaya in qurbojoogtu soo doontaan gayaan, iyagoo heli kara dad la gayaan ah oo Soomaali ah oo dalalkooda ku nool?
maxay daljoogtu u jeceshahay inay helaan qof qurbe joog ah oo ay la noolaadaan?
hadii aan ku dayo su'aalahaan:-
waxaa keenaya in dadka qurbaha ku nool ay soo raadsadaan gayaan, waxay indhahooda ku arkeen dadkii qurbaha yimid iyo sida ay u xumaadeen, iyagoo dhibaatooyin badan kala kulmay dadkii markii ay dheeheen noloshii qurbaha, taas oo keentay in qoysas badan burburaan, ayna ku dhex milmaan dhaqamadii shisheeye, diintiina ay ku yaraato, sidaas darteed ayay raadinayaan lammaane dalka u jooga.
daljoogtu waxay ku jecelyihiin qurbo joogta waa hal arin, inay mustaqbalka ku dhoofaan, halkaas waxaa kaaga muuqanaysa in labada qolo aysan isku yool ahayn, marka la galayo arimaha guurka, hade sidee isku fahmayaan labo qof oo ku kala duwan meesha ay ku noolaan lahaayeen.
ALLAHA KUU FUDUDEEYO, AAMIIN