Haweenka Oo Nugul Jaceylka Ninka Tilmaamahaan Leh , Iska Eeg Imisa Ayaad Ku Leedahay

Haweenka Oo Nugul Jaceylka Ninka Tilmaamahaan Leh , Iska Eeg Imisa Ayaad Ku Leedahay

Waxaa la tilmaamaa in jaceylka ragga uu ku yimaado aragtida koowaad durbana uu jaceylka ku dhaco iyaga oo ka amar qaadanaya indhaha balse haweeneyda waa ka duwan tahay waxa ayna ninka ay jeclaaneyso ka raadisaa tilmaamo gaar ah oo muuqaalka kore ma eegaan .

Warbixintaan ayay xayaati.com ku soo koobeysaa tilmaamo ay haweeneyda ka eegto ninka ay wax la wadaageyso

*Wanaagga Iyo Daryeelka : waxa ay haweeneyda dooneysaa nin ka sameysan wanaag aadna u wanaajiya la macaamilka haweeneyda , wax ay dooneysaa in shaqsiga uu u noqdo saaxibka dunida ugu fiican mar walibana garab taagaan

* Caqli : maskaxda wanaagsan waa tilmaamaha ay haweeneyda ay ka baadi goobto ninka , waxa ay ka heshaa nin ay mar waliba wax ka baraneyso

* Nin Weji Furan Oo U Nugul Kaftanka: ninka xiisaha leh haweeneyda aad ayuu u soo jiitaa walibana leh hadalada macaan iyo kaftan aan ka bad badiska aheyn , hadiiba aad awooddo in aad ka qosliso haweneyda aad sheeko wadaagga tihiin dhab ahaan waxa ay xayaati.com ku leedahay waad soo jiidaneysaa gabartaas

* Kalsooni : ninka isku kalsoon waxa u nugul gabar waliba , dhab ahaantii aad ayay haweeneyda uga heshaa ninka ku kalsoon naftiisa

* Soo Jiidasho Leh : waxa ay haweeneyda ka heshaa nin leh soo jiidasho isla markaana leh awood shaqsiyadeed iyo geesinimo oo uu ku difaco marka ay xaalad adag mareyso , aad ayay haweeneyda sidoo kale uga heshaa ninka isku tiirsan ee madaxa banaan

* Ninka Isku Dheeli Tiran: haweeneyda waa ay ka heshaa shaqsiga isu dheeli tiran ee awoodda qorsheynta wanaagsan ee noloshooda iyo wax yaabaha sida ay mudnaanta u kala leeyihiin , waa nin awooda isu dheel tiranaanta shaqadiisa , qoyskiisa iyo awooddiisa

*Dhageystaha Wanaagsan: ninka ku fiican dhageysiga haweeneyda aad ayuu u soo jiitaa waayo haweeneyda waxa ay leedahay dareemo jilicsan waa ayna ka heshaa ninka dhageysta fikiradeeda ee ninyahoow arintaas ku dadaal .


thumbnail Title: Haweenka Oo Nugul Jaceylka Ninka Tilmaamahaan Leh , Iska Eeg Imisa Ayaad Ku Leedahay
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-28T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Haweenka Oo Nugul Jaceylka Ninka Tilmaamahaan Leh , Iska Eeg Imisa Ayaad Ku Leedahay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 28, 2016 and have 0 comments