JACAYLKII RAJO BEELAY IYO RIYADII KA HOREYSAY

Qaybtii 5aad waxay inoo joogtay Hooyo Faadumo oo dhakhtarkii laga soo saaray oo gurigii uu nuux u dhisay la keenay oo galidii ay gashay iyaduna aad ayay u ashqaraartay waxaana jidhkeeda dhamaan saaqay jidhidhico aanay garanayn goortaa meel ay kaga timid, Hibo oo garabka haysa ayay ku odhanaysaa Hooyo waxaan ku waydiiyay waxan oo dhan iyo sidan uu sameeyay Nuux waxa aan ugu abaalgudayno tolow muxuu noqonayaa ?Hooyo Faadumo galidii ay gashay iyaduna aad ayay u ashqaraartay waxaana jidhkeeda dhamaan saaqay jidhidhico aanay garanayn goortaa meel ay kaga timid, Hibo oo garabka haysa ayay ku odhanaysaa Hooyo waxaan ku waydiiyay waxan oo dhan iyo sidan uu sameeyay Nuux waxa aan ugu abaalgudayno tolow muxuu noqonayaa ?
Qaybta 6aad


Hibo lama yaabana waayo hore ayay u ogayd inay la yaabi doonto markay timaado guriga kumana cusba kalmadaha Faadumo ee beer jilayca ah ee ay ku majeeranayso Nuux iyo waxqabadkiisa waayo dhawr gooroo horeba duco iyo hadalo waano ah iyo kuwa tusaale ah ba way u soo dirtay oo ay u soo dhiibtay Hibo, in yar dabadeed waxa imanaya oo guriga ku soo buuqaya dadkii jaarka ee ay wakhtigii hore ku wada jireen buulasha yar yar iyaga oo ugu bushaaraynaya sida nasiibkoodu uga hiiliyay dadka nacabka ahaa ee sida xun u raray, waxaana ka mid ahaa erayadii ay halkaasi ka lahaayeen maanta iyo maalintiiba waa laba maalmood oo ilaahay u simay iyagoo ku daraya sababtoo ah yaa filyay in aad dib ugu soo noqoneyso goobtan oo aad waliba ka dhisan doonto guri daara waxa laguu diiday oo lagaa dumiyay aqal soomaali maantana waa ilaahay mahadii hadaladaasi waxay ka keeneen Faadumo oohin iyo ilmo aan xad lahayn oo dareenkeeda gebi ahaanba badalay iyaga oo dadkaasi hadalkaas sii wada ayaa hibo ku odhanaysaa waxani maaha wax lalayaabo waayo shaykastaba ilaahay ayaa qadaray tanina waxay ka mid tahay mucjisooyinka larabo inaad ku cibro qaadataan.
Goortan waxa meesha imanaya Nuux iyo laba inan oo kale oo iyagu isucelin ina ay eegaan qaabka loosoo raray reerka, nuux wuxuu uyeedhay hibo isagoo waydiiyey inay wax ka dhimanyihiin iy o inkale, waxaanay ugu jawaabtay hibo walaal waxa dhiman oo kaliya raashinkii guriga loo dhigi lahaa oo aan anigu wakhtigan doonayo si aan usoo iibiyo markaa gaadhiga isiiya idinkuna guriga iska fadhiya intaan hawsha soo dhamaysanayo, nuux iyo inamadii lasocday waxay dib ugu noqdeen guriga nuux oo aan waxba ujirin kan faadumo lasoo dejiyey halkii ayaanay kusamaysteen woxogaa cabitaana waxaan dhexmartay sheeko yar nuux iyo mid ka mid ah labadii wiil ee lasocday kaasoo in cabbaaraba eegayay quruxda uu EEBBE ku galaday gabadha yar ee Ramla waxaanu ku yidhi nuuxaw maxaad isku tihiin reerka aynu haddeer ka nimid, nuux aad ayuu uqoslayaa isagoo og in saaxiibkii halka uu usocdaa tahay sidii uu ugu sheegi lahaa jacalyka uu u qabo Ramla ee aanay jirin meel kale oo ay iskasoo galaan, arintaasu nuux kumay noqon mid shaki gelisa mar hadduu ogyahayba xanta suuqa gaar ahaan xafiiskooda ee ah wuxuu jecel yahay Ramla, kadibna intuu usoo jeesto xagii wiilka ayuu odhanayaa walaal xaqiiqdii ma jirto wax naga dhexeeya oo aan ahayn in aanu nahay dadjaar oo xaq isku leh waan se fahmayaa oo arinta aad ujeedaa waxa weeyaan nuux muu yimaadeen meel aan dani uugu jirin ee maxaa keenay meesha saaxiibkii muuqarin hadalka ee wuxuu ku yidhi walaal maad runta noosheegtid oo aad tidhaahdid waxaan yegleelayaa reer cusub oo waxaan raadinayaa halkii aan kaheli lahaa waan ahalkan aan haddeer ka nimid, wiilkii kale ee lasocday labadooda ayaa ku yidhi waar nuux aad ayaad ugu shidaysaa ee maad kadaysid hadalada noocan ah ma qabtaane waayo majiraan waxaynu aragnay oo aan ahayn gabadha miskiinta ah welibana curyaanka ah markaa ma wuxuu jecelyahay ayaad ileedahay caruurtii yaryarayd ee meesha joogtay mise inanta ushaqaysa ee Hibo oo aan umalaynayo inaanad garaneyn inay tahay shaqaalihii guriga.

Kii kale ayaa qoslay waxaanu yidhi saaxiib haddaanad in dhaha iska tuureyn miyaanad arkayn qof kii aynu ugu galnay qolka dambe ee islaanta dul fadhiday, mise waxaad isleedahay saaxiibkaa ha ku caddaynin ee ka daa maxaad uuga jeedaa cid lajeclaadaa majoogin meesha adigoo arkayey xuural caynta goobta fadhiday, waxaan u arkaa inaad noo kala hiilinayso aniga iyo nuux haddaand islahayn khajilaada ka bii, intaa kadib ayaa nuux waxa uu odhanayaa saaxiibayaal waxba ha is qabsanina wixii jiraaba hortiinuu imanayaa idinkana maaha inaad isku seegtaan arin aan midkiina warkeeda oo saxa aanu hayn.

Xaga kale iyo bal aan dib ugu noqonno gurigii faadumo iyo caruurteeda waxa lasoo gaadhay wakhtigii ay labad hablood ee yaryari kasoo rawixi lahaayeen school ka waxaanay si toos ah u imanayaan gurigii Nuux hasa ahaatee ilaaliyaha guriga ayaa usheegaya labada yar yar in hooyadood kasoo baxday Cusbitaalkii oo ay joogto gurigan soo jeeda, kuwii yaryaraa iyagoo farxad is garan la ayay yaacayaan waxayna tegayaan guriga si ay u egaan xaalada hooyadood aynain mudo ahba war kahelin ,hooyo faadumo goortay aragtay labadi yaryaraa aaa oohin ay si aan xad lahayn ugasoo qubanysa, kuwii yaryaraana waxay ku darayaan iyaguna ilmadii ,qoysaskii so booqday ee markaa goob jooga ahaa ayaa iyaga qudhoodu dareenkooda wax iska badalayaan waayo aad ayay ulayaabayaan sida ay isugu boholoobeen hooyada iyo labadeeda ubadi wakhtigan labada hablood ma aha ama uma eeka kuwii ay ka tagtay dhawrbilood ka hor ee ay ka muuqatay diifta, daranyada iyo darxumaduba waxay u eegyihiin caruurta ay dhaleen qoysaska maal qabeenadu waxay sitaan oo mid walba dhabarka ugu xidhan shandad ay ugu jiraan buugaagtii taasoo wakhtigaa ay yaraayeen ardayda qaadata shandadaha noocan ah dushooda waxa kamuuqata muuqaal aad uquruxbadan iyo inay si wayn isu badaleen oo ay ka raysteen rafaadkii, dhibaatadii, cunto laaantii, hoy laaantii, barakicii iyo bayhoofkii ay kujireen mudadii ay soo koreyeenba. Labadan yar yari mar walba waxay isku madadaalin jireen inay maruun kabixi doonaan dhibaatada haysata ee dhinaca dhaqaalaha waanay ku guulaysteen oo riyadoodii way urumawday.

Waxaanay wakhtigan ku naaloonayaan nolol aanay waligood ku tashanin inay gaadhaan islahayna waad gaadhi doontaan xataa haddii wax waliba usahlaan hasa ahaatee may dhiganin in ILLAAHAY sidan dhibta yarleh usoo gelinayo wixii ay doonayeen oo aanay ka quusan ALLIHII abuuray. Oohinta iyo farxada labada yar-yar ee markii ugu horaysay arkay hooyadood iyo arrimaha dhinacyada badan ayaa bulshadii halkaa joogtay mid waliba dhankiisa ka eegay tiiyoo hadalka la is waydiinayaa yahay waa maxay waxa ka dhexeeya Nuux iyo reerkan, sidaan hore u sheegnay Nuux iyo labadii wiil wali waxay iska dhex joogaan guriga dhexdiisii halkaas oo ay ku dhagaysanayaan heeso, kuna daawanayaan wararka caalamka iyada oo wakhtigaa ay yaraayeen guryaha laga daawada dhiishashka, waxa ku soo dhacaya Nuux telefoon loogu sheegayo in uu dib ugu soo noqdo xafiiskiisii maadaama aanay gaadhin goortii rawaxaada, waxa lasoo diray warqad si deg-deg ah u faraysa Nuux in bari subax uu u baxo magaalada Nairobi, halkaas oo uu u tagayo hawl shaqo, Nuux muu jeclaysan warqadan waayo hawlihii uu isku dubaritay ayaa isu soo dhawaaday wax walibana waxay u soo eekaadeen ama muuqaalkooda leeyihiin sidii uu rabay, taasina waa mida keenaysa inuu ka naxo bixintaanka ama socdaalka safarka Nairobi, goor dambe ayaa Nuux iyo labadii wiil waxay u imanayaan hooyo Faadumo oo markaa guriga si fiican u degtay, noqotayna qof leh rug iyo raas, waxaana dhex martay sheekadan:

Faadumo Nuuxoow adduunyada aynu hooyo ku noolnahay ayaa ah mid uu Illaahay ku abuuray ubad sidaada oo kale barakaysan oo uu waalidkii dhalay iyo inta jilicsanba caawiya iyo qaar dhiba dadka ay kula nool yihiin deegaanka, waa deeq Illaahay bixiyo, waa darajo Illaahay gaar kuu siiyay garashada iyo gargaarida aad na gargaartay taasoo aad adiguna heli doonto bedelkeeda, iyada oo xaga hablaheeda eegaysa ayaa waxay tidhi hooyo waxaad cadawga ka xaraysay oo aad ka ilaalisay darxumada, oo aad u diiday in ay dawarsadaan, oo aad kala dagaalantay in ay ku bayhoofaan gidaarada, waa saddexdaa hablood ee aad arkayso, maanta caynka ay u eeg yihiin, shalayna waynu ogayn wajiga ay lahaayeen, hooyo ma tihid mid aan ku sheegi karo kalmado afkayga kasoo baxaya ama hadal aan ku idhaahdo waxqabadkaagii, sidoo kalena ma garan karo wixii aan ku gudi lahaa oo maba jirto haba yaraatee wax aan ku gudo abaalkaaga, Nuuxoow adduunyada magacbaa ka hadha kaasoo ah waa kii khayr qabaha ahaa iyo waa kii habaar qabaha ahaa, hooyo waxaan ogahay in aad qaadatay in badan ducadayda, waxaan ogahay in aad noloshayda iyo ta reerkayga aad ku leedahay saamayn aada oon la iloobi karin, hooyo waxaa ugu badan ee dadku i waydiiyaan waa waxa aynu isu nahay iyo meesha aynu iska soo galno, hadaad ii oggolaanayso waxaan goaansaday in laga bilaabo caawa aad noqoto wiilkaygii oo aad ii oggolaato in aad dadka ku idhaahdo anigaa dhalay, waayo kalmad kale oo aan ku odhan karaa malaha.

Nuuxoow kaliya markii ay igu dhacday masiibadani daqiiqado yar ka hor waxaan ka fekerayay sidii aan uga tagi lahaa dalkan, markii gaadhigani i jiidhay niyadaydu way maqnayd oo waxay ku maqnayd meel kale, waxaanan aad uga fekerayay sidii aan saddexdan caruur ah u gayn lahaa meel aan uga soo saari karo nolol-maalmeedkooda, waadse ogayd wixii dhacay oo wax kastaaba daqiiqado gudahood ayay isku bedeleen manaan awoodi karayn ama may jirin meel aan kasoo galo talada ubadkayga ilaa maalinkan maanta ah oo laga joogo afar (4) bilood iyo shan iyo toban (15) cisho, mudadaas oo aad adigu gacanta ku haysay aniga iyo ubadkaygaba, waa qadar Illaahay mana diidani, mana ihi dadka dhibsada dhacdooyinka noocan oo kale ah laakiin waxa ceeb ah in aad awoodi kari waydo abaalgudka aad u abaal gudayso qofkii kugu lahaa, hooyo maanta iyo maalin walba marka laga soo bilaabo maalintii aan soo meeraabay ee aan ogaaday halka ay ubadkaygu yaalaan, waxaad ku jirtaa wadnahayga, waxaanad la shaqaysaa qaybaha kale ee jidhkayga, waxaanad tahay oo aan is leeyahay waa wiilkaagii, hooyo marka aynu eegno dareenka maanta waxa aan aad ugu faraxsanahay in Illaahay kugu guuleeyay wixii aad doonaysay in aad noo qabato, Faadumo wali way hadlaysaa oo umay oggolaanin in uu u jawaabo Nuux isaguna wuu xishoonayaa, aynu eegno hadalkii ugu horeeyay ee ka yimaada dhanka Nuux isaga oo hoos u foorara farihiisa hore ee gacmahana uu ku leeyahay dhidid u ah caado ayuu odhanayaa hooyo amaanta intaa leeg anigu ismaan lahayn waad leedahay waayo waxaan qabtay wax Illaahay igaga dhigay faral oo ah in aan u gargaaro dad walaalahay ah oo jilicsan aniguna aan awoodo inaan wax u qabto, haddii aanan fulin amarka Illaahayna waxaan noqonayaa mid ka hor yimid sababihii Illaahay ii abuuray ee uu ii keenay adduunkan, la iima abuurin oo qudha in aan Hooyaday, Aabahay, Walaalahay iyo Ehelkayaga oo qudha u shaqeeye ee waa mid waajib ah in qof kasta oo daciif ah, jilicsan, baahan aad gargaarto markaa ayaa adigana Illaahay kuu gargaarayaa oo aad helaysaa ama ku guulaysanaysaa ujeeddooyinka aad leedahay intuu gacanta soo qabtay labada hablood ee ay Faadumo dhashay ta yar ayuu odhanayaa hooyo bal eeg maanta ma waxaad doonaysay iyaga oo caynkaa u eeg oo marka horeba Illaahay aanuu ugu talo galin dhibaato in ay dawarsadaan, oggow shaqada aan qabtay maaha mid aniga iga timid ee waa mid la ii soo diray oo ka socota xaga Illaahay, waana mid qoran oon marnaba lahayn meel looga leexdo, markaa hooyo ha isku hawlin yaanay kugu noqono wax ku mashquuliya,

Faadumo aad iyo aad ayay ula dhacday hadalada naxariista leh ee ka soo yeedhayay Nuux, kadib Nuux wuu nabadgelyaynayaa isaga oo u sheegaya in uu iman doono waqtiga ugu dhakhsaha badan ee uu soo helo fursad, sidiibaanuu debeda ugu soo baxayaa isaga iyo inamadii la socday, markay marayaan daarada ayaa waxa ka hor imanaya Ramla oo siday sharaab ay ugu talo gashay iyaga, balse nasiib darro ay ka kaceen, Ramli way ka xishootay inay ku tidhaahdo waxaan idiin siday sharaabkan ee kaalaya caba, waanay iska dhaaftay iyada oo hoos u foorarta, Nuux ninka ay wada socdeen oo la yidhaahdo C/casiis ayaa ku odhanaya Ninyahaw qofkan yari maaha mid aynu dunida hore ugu aragnay, malaha way ku soo khaldantay, C/casiis waa wiil dhalinyar ah oo dhigta Dugsiga Sare ee, balse markaa ka baxay hase ahaatee waxay isaga mid yihiin isaga iyo Nuux labadooduba waxa haya dareen jacayl, C/casiis wuxuu jecel yahay inan la yidhaahdo Samiira oo ay jaar yihiin isku iskuulna yihiin hase ahaatee isagana waxa jecel gabadh kale oo la yidhaahdo Raxma, xaqiiqdii Raxmi markaad eegto labada dumara iyada ayaa qurux badan, nasiib darrose C/casiis uma muuqato, markaa Nuux aad ayuu ula socday xaalada saaxiibkii oo wuxuu arkayay maalin maalmaha ka mid ah isaga oo qoraya hees jacayl ah oo markaa cusbayd oo uu u qorayay warqad ay ku sawiran yihiin wadneyaal iyo faraawilo qurux badan waxaana ka mid ahaa erayadii heestaas:

Sadka aynigaagiyo
Soomaali idilkeed
Mid aan adiga kula simo
Maan saarin indhaha ee
Abidkay Samiiraay
Kuma sahashanaayoo
Wadnahaad dul sudhantahoo
Saldhigbaad ku leedahay
Markay socoto laafyaha
Si xun uma dhaqaaqdoo
Dhulka kama sanqadhisee
Allaa u saxay tallaabada
Abidkay Samiiraay
Kuma sahashnaayee
Wadnahaad dul sudhantahoo
Saldhigbaad ku leedahay
La soco Qaybta 7aad adoo mahadsan

@$R&T^*YGHJGUYU&$RIHF