Ma doonaysaa in Xaaskaaga ay kuu noqoto Marwo saalixad ah oo ku adeecda, Hadaba Qodobadan Muhiimka ah Aqriso

Ma doonaysaa in Xaaskaaga ay kuu noqoto Marwo saalixad ah oo ku adeecda, Hadaba Qodobadan Muhiimka ah Aqriso

Gabadha saalixadda ah waa tii uu Allah ku sheegay oo uu yiri:kuwa saalixaadka ah wey adeecaan Allah iyo raggooda, waxayna ilaaliyaan maqnaanshaha raggooda,ilaalinta Allah dartii (suuradda annisa’,aayad lambar 34),kuwa saalixaadka ah waa kuwo diinta ku taagan khayrkana ku camal fala,saalixaadka waa kuwa raggooda u hoggaansan,waxay ilaaliyaan nafsaddooda waxayna dhowraan xoolaha raggooda.

Sifada wanaagsan ee lagu garto gabadha saalixadda ah waa diinta iyo akhlaaqda isla markaana u istaagta ilaalisana xuquuda ninkeeda amarkiisana adeecda,waxayna ku garab istaagta faraxiisa iyo dhibkiisa,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:haweenaydu waxaa lagu guursadaa afar shay:maalkeeda iyo sharafteeda iyo quruxdeeda iyo diinteeda, adiguse dooro midda diinta leh si aad ugu guulaysato guurkaasi.

Saxiixu Muslim waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Cabdillaahi bin Camr,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri:adduunka waa wax lagu raaxaysto, wax lagu raaxaystana waxaa ugu khayr badan marwo saalixad ah,sifooyinka wanaagsan ee lagu garto marwada saalixadda ah waxaa ka mid ah:in aysan ninkeeda ka soo horbaxaynin, markuu xaqa u tilmaamo ama uu ku amro,sunnooyinka annisaai’,waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abi Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu calehi wasallama la weydiiyay:haweenka yaa ugu khayr badan?

wuxuu rasuulku sallallaahu caleyhi wasallama ku jawaabay:midda farax gelinaysa ninkeeda hadduu indhaha saaro ayna fulinayso amarkiisa kuna khilaafaynin nafteeda iyo maalkeeda waxa uu karhayo,sheekh Albaani ayaa xadiiskan ku saxiixay kitaabkiisa saxiixu sunnan annisaai’,xadiiskan wuxuu nebigeena sallallaahu caleyhi wasallama uu ku soo ururiyay saddex tilmaamood oo waaweyn:


Midda kowaad:hadduu eego waxaa farxad gelinaysa diinteeda,akhlaaqdeeda, habdhaqankeeda iyo muuqaalkeeda,midda labaad:hadduu ka maqan yahay waxay dhowrtaa sharaftiisa iyo maalkiisa,midda saddexaad:hadduu khayr ku amrana wey adeecdaa,ibnu Xibbaan saxiixiisana waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Sacad bin abi Waqaas Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:afar shay waxaa lagu helaa sacaada (rayrrayn): marwo saalixad ah,guri waasac ah,deris wanaagsan iyo gaadiid wanaagsan,afar shayna waxaa lagu helaa xumaan iyo murugo:deris xun,marwo xun, guri ciriiri ah iyo gaadiid xun,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay silsiladiisa saxiixda ah.

Sifooyinka lagu garto haweenayda saalixadda ah waxay tahay:in ay tahay qof wanaajisa la dhaqanka saygeeda,imaam Axmed Allaha ka raalli noqdee,wuxuu musnadkiisa ku soo saaray xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wsallama uu yiri:haddii haweenayda ay tukato shanteeda salaad, bisheedana ay soonto farjigeedana ay dhowrto,ninkeedana ay adeecdo,albaabada jannada middii ay doonto ayay ka galaysa, sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay kitaabkiisa saxiixul jaamic,labada sheekh saxiixooduna waa Bukhaari iyo Muslime waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:haddii uu ninku ugu yeero naagtiisa sariirta,dabadeedna ay diiddo sabab la’aan, ninkana uu markaasi ka caroodo,malaa’ikta ayaa haweenaydaasi lacnad dusha ugu tuuraysa ilaa ay ka waabariisato.


thumbnail Title: Ma doonaysaa in Xaaskaaga ay kuu noqoto Marwo saalixad ah oo ku adeecda, Hadaba Qodobadan Muhiimka ah Aqriso
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-24T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ma doonaysaa in Xaaskaaga ay kuu noqoto Marwo saalixad ah oo ku adeecda, Hadaba Qodobadan Muhiimka ah Aqriso



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 24, 2016 and have 0 comments