Maxkamad ku taal Britain oo 15 sano ku xukuntay nin Soomaali tooreey ku dhaawacay haweeney

Maxkamad ku taal Britain ayaa 15-sano xarig ah ku xukuntay Wiil Soomaali ah oo toorey ku dhaawacay haweeney British aheyd oo deganeyd magaalada Coventry.

Wiilkan oo lagu magacaabo Mahad Aadan ayaa 33-sano jir ahaa, waxaana uu qirtay inuu toorey ku dhiftay Haweeneyda.


Shilkan ayaa dhacay sanadkii 2013, waxaana xilligaas la sheegay uu baxsaday, hase ahaatee Booliska ayaa dhowaan qabtay markii uu dalka dib ugu laabtay.

Booliska ayaa Mahad ku qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Heathrow, markii uu dib ugu laabtay dalkaas.

Mahad Aadan ayaa qirtay dambiga, isla markaana gabadha uu toorey ku dhiftay, gabadha ayaa da’deedu aheyd 23 jir, muddo ayayna saaxibo ahaayeen iyada iyo Mahad.

Ma ahan markii u horeysay ee Maxkamad ku taal Britain la soo taago dhalinyaro Soomaali ah, dhowaan ayay aheyd markii saddex dhalinyaro Soomaali lagu eedeeyay inay kufsadeen gabar.