Maxkamada Ciidamada Oo Xukuntay Lix Qof Oo Loo Haystay Dilkii...

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Somaliya, ayaa xukun ku riday lix ruux oo loo haystay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Wariye Hindiya Xaaji Maxamed.

Maxkamada Darajada Koowaad, ayaa la soo taagay raggaan maanta, waxaana dhageysiga dacwadooda kadib maxkamada ay ku dhawaaqday xukunada ay muteesteen ragaasi.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Darajada Koowaad, Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa Saxaafadda u sharaxay qaabka xukunka uu u dhacay.

1: C/risaaq Maxamed Barrow Caddow 28 jir ina Saynab Maxamed Maxamuud ku dhashay Xamar, waxa uu qirtay inuu gaarigii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed ku xiray Waxyaabaha Qarxa, maxkamadana waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah.

2:Xasan Nuur Cali Faarax 37 jir ah Ina Faadumo Xasan ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

3: Macalin Maxamed Abuukar Cali 42 jir Ina Faadumo Cabdulle ku dhashay Shabeellaha Dhexe , waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

4: Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere 56 jir ah Ina Awliyo Xasan ku dhashay Mudug, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

5: Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale 22 jir ah Ina Nasro Xaaji Shidane ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay Shan Sano oo Xabsi ciidan ah.

6: Cali Xasan Aadan 40 jir ah Ina Rooble Jinoow ku dhashay Ethiopia, waxaa lagu xukumay Shan Sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamada waxa ay sheegtay cidii aanan ku qanacsaneyn xukunka inay qaadan karto racfaan ku aadan xukunkaasi.