Puntland ha gardaadiso Dowladda Federaalka ah- By Cusmaan Cumar

Nidaam aan xasillooni qabin. Nidaam ku sifoobay musuq iyo wax isdaba marin. Nidaam ku mashquulay qeybsi qabiil iyo quursiga. Maku sheegi karnaa dawladda Xamar dhaafi weydey.

Haddii maanta AMISOM ka baxdo Xamar, miyaaney tii Marka/ Shabeelada Hoose oo kale ka dhici karin. Alshabaab ma foga. Habeenkii waxaa ay maamulaan deegaanno badan oo Xamar ah. Qeybna maalintii. Waxaa la wada ogyahay canshuurta ay ka qaadaan ganacsiyada qaarkood oo ka jira Xamar. Waxaa la wada ogyahay awoodda Alshabaab ku leeyihiin bulshada qaarkeed ee Xamar deggan. Waxaa lawada ogyahay sida Alshabaab ugu dhex milantay maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha iyo Sirdoonka iyo Cisbitaallada Xamar. Waxaasoo xog ah kama daahsoona dawladaha iyo hey’adaha shisheeye ee lugta kula jira waddanka.



Badbaadada Federaalka

Waxaa uduuday Federaalka waa Puntland. Naf, maal iyo maskaxba waxay ka timid Puntland. Siyaasi, Garaad, Ugaas, Beeldaaje, Islaan iyo Boqorba waxaa ka go’neeyd, haddana ka go’an, in Somaliya yeelato dawlad buuxda.
Haddaba si loo badbaadsho danta guud ee dalka waa in la helaa goob xasilloon oo dawladda federaalka ay ku shaqeyso. Waa in laga maarmaa hoos joogga AMISOM. Waa in talo, tusaale iyo tabaabusho la weydiiyaa maamulada ka horeeyey Dhismaha Federaalka sida Puntland. Waa haddii daacad laga yahay in qaran Somaliyeed dib loo askumo.

Sabab

50% in ka badan dadkii usoo qaxay Puntland 1991, waxaa ay ka wada yimaadeen Xamar iyo Koonfur. Badidood abtirsi mooyee, abidkood ma arag Puntland. Hooy iyo hantiba waa kasoo barakeceen. Waa intii ka badbaadey gummaad iyo xasuuq. Mudug, Nugaal, Bari, Sool iyo Ceyn baa loo soo hayaammay.

Laga bilaabo Gaalkacyo ilaa Garowe, Qardho, Bosaso, Badhan, Buuhoodle, Baargaal, Bender-Beyla iyo carriga Puntland oo idil waxaa uu ahaa meel aan waxba oolleeyn. Dad soo qaxay. Dad argagaxsan. Dad firdhad ah.

mk_garoowe

Waa taa oday, isim, aqoonyahan, dumar iyo culumaa-uddiin isu tegay. Waa kuwaa nidaam iyo kala dambeeyn hirgeliyey. Maanta waa taa koboceysa. Waa taa nabad la damaashaadeysa. Ogoow hawshaasoo idil wax Beesha Caalamka ay lug ku leheeyd ma aha – dhaqaale iyo talo.

Si taa la mid ah dalka loogu soo wada dabaalo, waa in dawladda federaalka lasoo dejiyaa Garowe iyo Bosaso. Waa in Puntland marka kale ceynaanka goleyaasha federaalka taakuleysaa. Waa in halkan lagu uruurshaa ciidan Somaliyeed oo dhab ah. Maya maleeshiyo kuligood hayb lagu soo soocay.

AMISOM iyo heyadaha caalamiga ah ha iska tagaan. Somali ha is hagto oo ha is daryeesho. Hana isku tashato.

Waa arrin meel mar ah. Balse waxaa jira daneeyste aan dan guud eegeeyn oo mid gaar iyo mid qabiil doonaya. Wax tar Somaliyeed waxaa ugala weyn reer baa sumacad helaya. Wanaagga Somali gaarto reer kaliya ma leh ee waddankoo idil baa ku baraaraya.

Gunaanad

Xasan Sheekh, Sharmarke iyo Jawaari iyo dhammaan labada gole waa in si daacad ah u waajahaan dhibta maanta taalla dalka iyo kaalinta buuxda ee Puntland ka qaadan karto nabadeynta waddanka oo idil. Waa fursad qaali ah. Puntand ha gardaadiso Federaaka. Goleyaasha Federaalka ha eegaan danta dalka iyo dadka Somaliyeed. Taliyo iyo tusaale ha la weydiiyo maamulkaa gaamuray ee Puntland. Walaalkaa hadduu kugu dhaammo garasho iyo garaad, waa in aad u qirtaa. Ka dibna taageero weydiisataa.