Qaar kamid ah diyaaradaha ganacsiga ee Muqdisho tegi jirey oo baajiyey duulimaadkoodi

Qaar kamid ah diyaaradaha ganacsiga ee Muqdisho tegi jirey oo baajiyey duulimaadkoodi

Dhaq-dhaqaaqa Garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde, magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad u yar, kadib qaraxii ka dhex-dhacay diyaaradda Daallo Airlines maalintii shalay, diyaaraddaas oo si nabad ah dib ugu soo noqotey Garoonkii ay ka duushey ee Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in rakaabka la socdey diyaaradda Daallo ee qaraxu ka dhacay, badankood ay ahaayeen kuwii haystey tigidhada shirkadda Turkish Airlines oo maalinkasta imaan jirtey Muqdisho, taas oo aan imaan saddexdii maalmood ee u danbeysey sababo aan la aqoon, waxaana dadkaan u kireeyey diyaaradda Daallo shirkadda ay haysteen tigidhkeeda ee Turkish Airlines.

Lama yaqaan sababta ay Turkish Airlines u baajisey duulimaadkeeda saddexdii maalmood ee u danbeysey.

Duulimaadyada maanta ka degey Garoonka Adan Cadde waxay  u abdnaayeen gudaha sida diyaarad ka soo duushey Hargeysa, iyo diyaaradaha qaadka ka keena dalka Kenya.

Shirkadda Jubba Airways oo maanta oo kale ka soo degi jirtey Muqdisho  ayaan imaan sida duulimaadkeedi Dubai – Muqdisho iyo Nairobi-Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa wadda baaritaan waxa sababey qaraxii ka dhacay diyaaradda Daallo Airlines maalintii shalay, kaas oo warar kala duwan ka soo baxayaan ilaa iminka, hal qof ayaa ku geeriyoodey kaas oo ka baxay halka qaraxu ka dhacay, waxaana meydkiisa laga heley degmada Balcad ee Waqooyiga Muqdisho.


thumbnail Title: Qaar kamid ah diyaaradaha ganacsiga ee Muqdisho tegi jirey oo baajiyey duulimaadkoodi
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-04T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qaar kamid ah diyaaradaha ganacsiga ee Muqdisho tegi jirey oo baajiyey duulimaadkoodi



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 04, 2016 and have 0 comments