QOYS KALA TAGAY OO RABA INAY DIB ISU GUURSADAAN

QOYS KALA TAGAY OO RABA INAY DIB ISU GUURSADAAN

QOYS KALA TAGAY OO RABA INAY DIB ISU GUURSADAAN
EMAIL: talobixin@hotmail.com
waxaan nahay nin iyo xaaskiis kala tagay muddo 5 sano ka hor, waxaan ku furay 2 dalqadood, waxaa noo jooga caruur 4 wiil ah, muddo ayaan ku jirnay khilaaf badan, xaaskeygu waxay ahayd qof muran badan, oo qeylo badan, waxyaalo aan macno lahayn ayay ka xanaaqi jirtay, noloshii ayaa igu adkaatay, waxaan doortay inaan furo, furiin kadib, waan ku biili jiray caruurtii, wadankaan ka tagay, waxaan soo noqday shan sano kadib, caruurtaydii oo dhaqankoodii xumaaday, waxbarashada ku liita, hooyadood caasi ku ah, markii aan imid, waxaan bilaabay xiriirkooda, iyo inaan waaniyo oo la socda, hase yeeshee waxaan ku arkay in wiilashu si u cuqdadaysan yihiin si weyn, markii aan kala hadlay hooyadoodna, waxay ii sheegtay in lafteeda ay dhib badan kala kulantay xanaanada iyo toosin caruurta, kan ugu weyn oo jira 14 sano ayaa ugu daran, waxaan kala hadlay inaan isku noqono oo aan meher labaad ku guursado hooyadood, si aan arintaan wax uga qabano, caruurtana isugu kaalmaysano, way iga aqbashay, laakiin waxaa wili igu jirta baqdin faro badan, oo ku aadan, ma rabo inaan ku dhaco dhibaatadii aan horey u galay oo kale, fadlan ilatali

JAWAAB
waxaan kaaga mahadcelinayaa sida dhiirashada leh ee aad usoo gudbisay arintaada, waan dareemayaa sida aan u jeceshahay caruurtaada, furiinku waa dhacdo kala kaxaysay dad isjeclaa, waxaana ka dhasha natiijo aan fiicnayn, oo ay ka mid tahay mida aad caruurta ku aragteen.
xaaskaaga hore, waxa ay kala kulantay wiilashan waa arin dhacda, waana mid lagu arko ilmaha la kulma burburka qoyska, waxaa oran karnaa waxay ka fiican yihiin kuwo badan oo burbur qoys maray, canaadka iyo cuqdada waxaa keenaya waxyaalaha ka maqan ee ay dareemayaan.
hadaba hadii aad isla aragteen khaladkiinii hore, isla markaasna qaadateen inaan qoyskii midaysaan mar labaad, waxaan idin kula talinayaa arimahaan:-
1- inaad ka fariisataan waxyaalihii keenay furiinka, oo aad xoojisaan isfahankiina, taas waxaa idinka caawin kara, inaad ku xiran taan barnaamijyada wacyigelinta qoyska ee ka socda idaacadaha iyo TV yada.
2- in markaad reerka isku celisaan aad qabataan xaflad bilow fiican ah, si aad caruurta u dareensiisaan in khilaafkii dhamaaday, waana inaad u cududaarataan caruurta, una sheegtaan inaad is jeceshihiin, shaydaana isku kiin diray.
3- caruurta kala go' waxbarasho inaad kabtaan, oo mid kasta dhinaca uu ku liito laga kabo.
4- aabaha inuu wiilasha kaxeeyo, oo uu la wadaago saacado badan, si uu kabo kala fogaantii.
5- inaad caruurta jacayl u muujisaan, oo aad ka farxisaan oo hadiyado loo gado.
6- inaad kor uqaadaan iimaankiina, cibaadadana aad xoojisaan.


ALMOSTASHAR JAMALUDIN CAWKE
thumbnail Title: QOYS KALA TAGAY OO RABA INAY DIB ISU GUURSADAAN
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-28T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
QOYS KALA TAGAY OO RABA INAY DIB ISU GUURSADAAN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 28, 2016 and have 0 comments