Ra’isulwasaare Cumr Sharmaarke oo la Soo Baxay Miciyo Cusub Digniin Culusna u Diray Puntland & Maamul Goboleed….

Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somaliya Ayaa sheegay in talaabo cad ay xukuumada ka qaadi doonto cidii ka tirsan Dowlada oo diida Go’aanka ay dowlada ku qaadatay Hanaanka 4.5 afar dhibic Shan.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Sheegay in aysan aqbali doonin in siyaasada Dalka laga dhigo mid qof walba sida ay doonto ay ka yeelato  waxa uuna carabka ku adkeeyey in laga soo bilaabo Maamul Goboleed  ilaa siyaasi ay ku qasban yhiin qaadashada nidaamka ay dowlada u aragto mid wax saxaya.

Waxa uu sheegay Cumar C/Rashiid in ayaayaha Dalka  cayaar ciyaar ka dhigteen Siyaasiyiinta hasa ahaatee Dowlada aysan Cidina dheg jalaq ugu siin doonin Ayaahaya Somaliya iyo sida uu xalka wanaagsan ku jiro ay xooga saarayaan.

Waxaa uu ka digay in warkooda la dhageysto siyaasiyiinta danahooda ka dhax waayey dowlada oo war xumo tashiilka ka faafinaya isagoona  ugu diga  in ay la xisaabtami doonto dowlada cid waliba oo ka soo horjeeda maslaxada Dalka iyo dowladnimada.