Sargaal katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida oo lagu dilay Weerar ka dhacay Magaalada Muqdisho

Sargaal katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida oo lagu dilay Weerar ka dhacay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeesan oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa shalay galab waxa ay dileen Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ee Degmada Dharkeenley Cabdulaahi Dabaashe iyo askar kale oo ilaalo u aheed.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dilku ka dhacay xaafada Siliga ee Degmada Wadajir, waxaana gaari uu la socday Sargaalkan katirsanaa Nabad Sugida lagu hor jaray gaari kale kadibna rasaas culus lagu asqeeyay.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Degmada Dharkeenley iyo ASkar ilaalo u aheed ayaa la xaqiijiyay in Weerarkaasi ay ku dhinteen, waxaana goobta uu weerarku ka dhacay ka baxsaday kooxihii hubeesnaa ee ka dambeeyay dilkaasi

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilka Sargaalkan katirsan Ciidanka Nabad Sugida Qaranka , waxaana dilkan uu qeyb ka noqonaya dilalka qorsheesan ee xiliyada qaar ka dhaca qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.


thumbnail Title: Sargaal katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida oo lagu dilay Weerar ka dhacay Magaalada Muqdisho
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-07T22:02:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sargaal katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida oo lagu dilay Weerar ka dhacay Magaalada Muqdisho



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 07, 2016 and have 0 comments