SEYGEYGA WAAN JECLAHAY, ISAGUNA IMA JECLA

SEYGEYGA WAAN JECLAHAY, ISAGUNA IMA JECLA
Waxaan ahay gabar xaas ah, muddo 3 sano ah, seygeygu waa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah, waan ku qancay doorashadaydii, laakiin markii aan la noolaa muddo bilo ah, ayaan dareemay inuusan ahayn kii aan mooday, wuxuu ila ahaa qof furfuran, wuxuuse noqday nin xirxiran, oo aad u adadag, waxaan ku arkay mashquul maskaxeed oo badan, mana ahan qof qosla ama dhoolacadeeya, aniga waxaan ka rabay inuu noqdo qof ii sheekeeya, oo hadalo macaan igula hadla, marka waxaan doonayaa in la icaawiyo, fadlan ilataliya:-

JAWAAB:
ALMOSTASHAR JAMALUDIN CAWKE
Email: talobixin@hotmail.com

walaal waan kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada, waxaan dareemayaa arintaada si fiican, waana arin xal leh oo sahlan.
walaal waxaad ku jirtaa sannadaha hore ee qoyska, waana sannadaha ugu muhiimsan ee ay isku bartaan lammaanuhu, waxaana jirta in 5 ta sanno ee hore ay tahay sannadaha isla qabsiga lammaanaha, waa sannadaha ay isfahmaan oo ay isla qabsadaan, waxaana loogu yeeraa sannadahaas (Adjustment stage)
waa run inuusan ahayn qofka aad filaysid, qofkasta oo guursada, wuxuu sannado kadib ogaadaa in qofkaan uu la qaadanayaa nolosha uusan ahayn kii uu filayay, taasna waxay ka imaanaysaa, dhinaca kala duwanaanshaha dadka, iyo barbaarintoodaba, ma ahan arin adiga kaliya kugu eg.
waxaa kale oo jirta, seygaaga iyo adiga waxaad ku kala duwan tihiin dhinaca ( tape) nooca aadanaha, waxaad tahay adigu qof furfuran, isaguna waa qof xirxiran, adiga waxaad rabtaa in laguu sheekeeyo, isaguna kama helo sheekada, marka yaad ka sugaysaa inuu kuu sheekeeyo, waxaa kale oo aad jeceshahay in lagu dheeho oo lagula joogo, oo cidlada waad neceb tahay, isagana wuxu jecel yahay cidlada, oo marka uu dadka la joogo kama helo, arimahaas waxaa loogu yeeraa cilmi nafsiga shakhsiyada.
waad wada noolaan kartaan, hadii qof walba ogaado farqiga idiin dhexeeya, waxaana qof walba laga rabaa inuu ka soo dhawaado heerka shakhsiyadeed ee uu joogo, tusaale, adiga inaad xoogaa isxirxirtid, isaguna waa inuu xoogaa isfurfuraa, markaas ayaad noqonaysaa heer dhexdhexaad ah oo aad isla fahmi kartaan.
waxaan kugu la talinayaa
inaad seygaaga adeecdid, oo aadan buuq ku furin
inaad ogaatid inay tahay arintaan dabci Allah u abuuray.
inaad waxyaalaha badan oo wanaaga ah oo uu leeyahay fiirisid
in noloshu kaliya aysan ahayn jacayl iyo hadal macaan,
in seygaaga jacaylkiisa aad ku helaysid hab ficil ah oo aad arki kartid
inaad aqbashid oo aadan ka caban dabeecadan uu leeyahay, waxaa laga yaabaa inay kheyr kuu tahay, waxaana la dhahaa, nimanka xirxiran waxaa saaran maskax weyn oo aad uweyn, waxayna noqdaa kuwo hal-abuur badan, fadlan iimaanso oo ka faa'iidayso seygaaga.