Tiro madaafic ah oo ku soo dhacday agagaarka Villa Somaliya

Waxaa goordhaw tiro hoobiyaal ah lagu garaacay degmada Wardhiigley ee Goboka Banaadir gaar ahaan agagaarka xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in tiro hoobiyaal ah oo si daran doori ah loo riday ay mar qura ku dhaceen xaafado katirsan Degmada Wardhiigley gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Madaafiicda qaar ay ku dhaceen agagaarka Dugsigii 15 May ee ku dhow Madaxtooyada iyo goobo kale oo ka tirsan degmada Wardhiigley.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen dhowr qaraxyo oo ahaa hoobiyeyaal ku soo dhacay xaafadaha, iyadoo illaa hada la xaqiijiyay in saddex ruux ku dhaawacmeen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka oo ku aadan madaafiicda, iyadoo horaantii bishii hore ee Janaayo sidan oo kale madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac ugu soo dhaceen agagaarka Madaxtooyada.