TOOS+SAWIRO: Shir Weyne Xasaasi ah oo ka furmay M/Baladweyne..

TOOS+SAWIRO: Shir Weyne Xasaasi ah oo ka furmay M/Baladweyne..

Waxaa si rasmi ah Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan uga furmay Shirka aayo ka talinta Gobolka Hiiraan, Shirkaasi oo uu furay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Shirkaan waxaa ka qaybgalaya dhamaan Madax dhaqameedyada Gobolka Hiiraan iyo Siyaasiyinta Gobolkaasi ka soo jeeda ee Dowladda Federalka Somaliya qaybta ka ah.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo madasha Shirka ka hadlay, ayaa sheegay maanta inay tahay furitaanka Shirka, islamarkaana la sugaayo Dadka reer Hiiraan ee doonaya ka qaybgalka Shirkaasi oo la filaayo inay tagaan Baledweyne.

‘’Waxa noo furmay shirka wada tashiga Gobolka Hiiraan maanta waa furitaan oo kaliye waxa jira dad reer Hiiraan oo soo socda si ay kaga qeyb galaan waa inaan sugna Odayaasha iyo Ugaasyada waxa leyahay keena dadka maqan hana laga fikiro aayaha Gobolka hiiraan’ Sidaasi waxa yiri Ugaas xasan Ugaas khaliif.

Reer Hiiraan ayaa waxa ay a carooden Shirka Magaalada Jowhar ee Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ergadii ay ka heleen Shirkaasi ay ku qanci waayeen.





thumbnail Title: TOOS+SAWIRO: Shir Weyne Xasaasi ah oo ka furmay M/Baladweyne..
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-03T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
TOOS+SAWIRO: Shir Weyne Xasaasi ah oo ka furmay M/Baladweyne..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 03, 2016 and have 0 comments