WAALIDKEY ISMA XIRIIRIYAAN, ANIGUNA WAAN KU WAREERAY

WAALIDKEY ISMA XIRIIRIYAAN, ANIGUNA WAAN KU WAREERAY!!!!
waxaan marka hore idiinka mahadcelinayaa adeegaan latalinta iyo howshan fiican ee aad haysaan, marka labaad,  waxaan ahay gabar 18 jir ah, waxay hooyaday dhashay kaligey, waxaan la noolahay hooyadey, waxaan ku soo qaatay noloshayda muran iyo rabshado aabe iyo hooyo dhexmaraya, waxaan habeen walba ku toosi jiray dagaal, waxay kala tageen anigoo 8 sano jira, kadibna waxaa lagu murmay qofka i korinaya, aabahay wuxuu yiri  " hadii aadan gabadhayda isiin kugu biili mayo, hooyaday way i qaadatay, waxaan nolosha barkeed ku jiray wareer, hooyaday ma ogola inaan aabahay xiriiriyo, isaguna wuxuu i dhahaa ii imow oo isoo booqo, waxaan ku jiray kala jiidasho, labadoodaba waa waalidkey, midkoodna kama maarmo, waxaan dareemayaa qof aan deganayn, waxbarashadana waxaan uga haray dugsi dhexe, waan jeclahay inaan sameeyo horumar fiican, laakiin waxaan wakhtigeyga ku dhamaystay fakar iyo sidii aan aabe iyo hooyo u heshiisiin lahaa, waana arin aan suurtogal ahayn, waxaan doonayaa inaan mustaqbalka dhow guursado, laakiin guurka ma jecli, markasta oo aan ka fakaro guurkana waan sii nacayaa, maxaa yeelay waxaa igu weyn wixii aan soo arkay, fadlan waxaan doonayaa in la icaawiyo oo talooyin la iga siiyo sidii aan hooyo iyo aabe u heshiisiin lahaa, aniguna aan nafteyda wax uga badeli lahaa!!


JAWAAB
ALMOSTASHAR JAMALUDIN CAWKE
Email: talobixin@hotmail.com
walaal marka hore waan kaaga mahadcelinaynaa kalsoonida iyo doorashada xaruntan, waxaan dareemayaa dhibaatada aad dareemayso, iyo sida ay kuu saamaysay.
arinta dhexmartay hooyadaa iyo aabahaa waa mid dadkeena intooda badan dhexmarta, mana tihid kaligaa caruurta la kulmay hardanka waalidka, kuna saamoobay xiriirkooda xumaaday, waana arin qadar ah oo kuu qoran oo marna aadan seegteen, maadaama aan nahay muslimiin, waa inaan qaadano wixii qadar ah oo aan la kulano, mana ka tihid masuul dhacdooyinkii dhexmaray, waana arin aad looga xumaado, waana arin saamayn xun ku yeelato caruurta, markay ugu yaraato, waxaa ka dhumaya sharafta qoyska, waxayna khatar uyihiin inay la kulmaan burbur danbe noloshooda qoyska.
waalidkaa waa kala tageen, sida ka muuqatana waxay mashaakil dhexmarayeen muddo dheer, markaas oo kalena ma filayo inay ku soo noqon karaan kalsoonidoodii iyo xiriir wanaagsan, laakiin waxaa la samayn karaa inay iscafiyaan inta ay noolyihiin, oo ay is xiriiriyaan, taasna waa arin wakhti badan u baahan.
adeer maahan inaad mustaqbalkaaga ku xirto arintan dhamaatay, waan ogahay inay arintan kugu saamaynayso gabarnimada iyo naxariistaada, hadana waa inaad ka gudubto, dad badan ayay arimahan oo kale soo maraan, hadii ay ku dul murgaana horumar ma gaaraan, waa inaan sida maalinta habeenka loogu iloobo u ilowdaa, waa inaad maskaxdaada ka saartaa oo waalidkaa u duceysaa, labadooduba xaq ayay kugu leeyihiin waa inaad xiriirisaa
marxalada tacliinta waa inaad buuxisaa wili fursad ayaad haysataa, hadii aadan waxbaran mashaakilkaan waad ku sii lumaysaa, si aan naftaadana u maareyso, ugana gudubto dhibaatadan waa inaad dhamaystirato tacliintaadii hore.
arinta guurkana waxaa ila quman inta aadan guursan inaad nala soo xiriirto, oo aad qaadato koorso arimaha qoyska ah, si wixii saamayn ah oo hardanku kugu reebay isaga saartid.