Wafdi DFS ka Tirsan uu raisul wasaaraha hogaminaayo oo Kenya Lagu Xannibay

Wafdi uu hogaamiyahay Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar cabdirashiid oo isugu jiray xildhibaano wasiiro ayaa muddo saacado ah maanta lagu xayiray garoonka dayuuradaha Jummo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Inkastoo Ra’isul wasaaraha iyo xubno wasiira ah markii dambe loo ogolaaday inay safarkooda sii wataan ayaa waxaa weli garoonka ku xayiran inta badan wafdiga.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Xildhibaan Cabdullahi Jaamaca oo ka mid ah dadka weli ku xayiran garoonka Jummo Kenyatta wuxuuna weydiiyay sida wax u dhaceen.

Dhageyso Wafdi DS oo Kenya ku Xanniban