Wasaarado ku cusub dalka imaaraadka Carabta oo Xukuumaddu ay Shaacisay

Wasaarado ku cusub dalka imaaraadka Carabta oo Xukuumaddu ay Shaacisay

Xukuumadda Imaaraadka Carabta ayaa la isku shaandheeyey, waxaana la magacaabay Wasiirada Wasaaradaha Farxadda, Is-cafinta iyo Dhallinyarada.

Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Sheekh Maxamed Bin Rashiid Almakhtuum, ahna Xaakimka Dubai iyo Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi ayaa waxa uu Xukuumadda cusub ku soo daray Dhowr Wasaaradood oo ku cusub Taariikhda Maamulka ee dalkaasi.

Ra’isul-wasaraha oo 66 jir ah waxa uu Wasaaradda cusub ee Farxadda u magacabay Haweeney lagu magacaabo Cuhuud Alroomi, iyadoo Wasaaradda kale ee cusub ee Is-saamaxaadda ama Iscafiska loo magacaabay Libni Alqaasimi oo horey u ahayd Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Maalgashiga.

Sidoo kale, Wasiirka Dhallinyaradda waxaa loo magacaabay Shamaa Almarsuuqi oo 22-jir ah, waana Wasiiradda ugu da’da yar guud ahaan Caalamka oo Xil Wasiir loo magacaabo.

Xukuumadda cusub ee dalka Imaaraadka waxaa lagu soo biiriyey 5 Wasiir oo haween ah, kuwaasi oo ay da’doodu ka hooseyso 38-jir.


thumbnail Title: Wasaarado ku cusub dalka imaaraadka Carabta oo Xukuumaddu ay Shaacisay
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-14T21:01:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Wasaarado ku cusub dalka imaaraadka Carabta oo Xukuumaddu ay Shaacisay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 14, 2016 and have 0 comments