WASIIRKII CAAFIMAADKA XUKUUMADDII FARMAAJO OO DOWLADDA KA DALBADAY IN GAR GAAR CAAFIMAAD OO DIBADDA AH LOO QAADO (SAWIRRO)

WASIIRKII CAAFIMAADKA XUKUUMADDII FARMAAJO OO DOWLADDA KA DALBADAY IN GAR GAAR CAAFIMAAD OO DIBADDA AH LOO QAADO (SAWIRRO)

Dr. Aadan Xaaji Ibraahim oo soo noqday Wasiirkii Caafimaadka Xukuumadda uu hogaamin jiray Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Dowladda Somaliya wuxuu ugu baaqay in gar gaar caafimaad oo dibadda ah ay u qaado.

Aadan Xaaji Ibraahin, ayaa ku jira Isbitaalka Recep Tayyib Erdogan Ex Digfeer halkaasi oo Dhaqaatiirta ay u sheegeen in xaaladiisa caafimaad dalka gudihiisa aanan waxba looga qaban karin.

Wasiirkii hore ee Caafimaadkii Xukuumadda KMG aheyd ayaa ka dalbaday Dowladda Federalka Somaliya in caafimaad dibada ah loo qaado, maadaama dalka uu ka soo noqday Wasiir Shaqo Qaran soo qabtay.

Xanuunka haaya Wasiirkii hore ee caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahim ayaa ah in beerka uu ka xanuunsanaayo, islamarkaana uu u baahan yahay dalka dibaadiisa in loo qaado.

Isbitaalka uu hada ku jiro waxaa geeyay Ururka Dhaqaatiirta oo Shan maalin ka hor halkaasi geeyeen.

Dowladda Somaliya ayaa laga sugayaa Jawaabta ay ka bixiso Codsiga Wasiirkii hore ee caafimaadkii Xukuumaddii Farmaajo.



thumbnail Title: WASIIRKII CAAFIMAADKA XUKUUMADDII FARMAAJO OO DOWLADDA KA DALBADAY IN GAR GAAR CAAFIMAAD OO DIBADDA AH LOO QAADO (SAWIRRO)
Posted by:galmada Net
Published :2016-02-04T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
WASIIRKII CAAFIMAADKA XUKUUMADDII FARMAAJO OO DOWLADDA KA DALBADAY IN GAR GAAR CAAFIMAAD OO DIBADDA AH LOO QAADO (SAWIRRO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 04, 2016 and have 0 comments