WAXAAN KU KADSOOMAY LABISKIISA QURXOON IYO HADALKIISA MACAAN

WAXAAN KU KADSOOMAY LABISKIISA QURXOON IYO HADALKIISA MACAAN

Waxaan ahay gabar 25 sano jirta, waxaan dhamaystay waxbarashadii jaamicada, maalin anigoo ka soo baxaya jaamicada ayaa waxaa dariiqa taagnaa wiil i fiirinaya isagoo dhoolacadaynaya, sidii qof i garanaya ayuu i salaamay, salaamtii kadib, waa uu isoo raacay, wuxuu si qosol leh iiga codsaday inuu isii qaado, laakiin waan diiday, waan la yaabay, waxaase arintaas dhacday dhowr jeer, markii ay adkaatay inaan gaarigiisa raaco, ayuu iga codsaday Telefoonkayga uu iga helo, kadibna waan siiyey, wuxuu isoo wici jiray habeenkii, markasta oo uu ila hadlo wuxuu ii ballanqaadi jiray nolol guur oo aanan waligay nooceeda ku riyoon, waxaan bilaabay inaan sheekada la wado, hase yeeshee, wuxuu mararka qaarkood iga dalbadaa inaan meel uun isku raacno, ama aan magaalada isu raacno, arintaas marka aan diido, waxaan dareemay in nafteydu ay u iilatay, waxaan isku raacnay inaan isguursano, waalidka ayuu iga soo doonay, reerkiina waa la dhisay,waxaan xaas nahay muddo 6 bilood ah,  hase yeeshee waxaan kala kulmay nolol dhib badan, waxaan qaadan waayay inuusan waligiisba tukan, hadana uu si waali ah u daawado films xunxun, waxaa intaas dheer inuu naago wad badan yahay, dhaqaale ahaana uusan ku filnayn reerkiisa, hadii aan dhaliil sheegana wuu igu jeesjeesaa ee igama qanciyo, hada xaaladeenu way sii adkaatay, waxaan ku noolahay guri taariku salaad, waxaan ka cabsi qabaa inaan qofkaas uur u yeesho, sidaas darteed waxaan doonayaa in la icaawiyo:



JAWAAB
Almostashar Jamaludin Cawke
EMAIL: Talobixin@hotmail.com

walaalo waxaan kaaga mahadcelinayaa kalsoonidaada, waxaan kuu rajaynayaa inaad ka gudbi doontid mushkiladaan aad ka cabatay.
waa arin in badan dhacda in qofku kadsoomo, dad iyo duurba wax aadan filayn ayaa kaaga soo baxa, waxaa muuqata in seygaaga iyo adiga uu jiro farqi xaga ku dhaqanka diinta, farqigaasna ma aadan dareemin, amaba waxaad ku saameeyey muuqaalka iyo qaabka labiskiisa sida aad sheegtay.
waxaan kula dareemayaa in qofka aad naftaada ku aamintay uu noqday midkii aadan filayn, taasna waa qaadashada go'aan degdeg ah, qof aadan aqoon durugsan u lahayn ayaad gashay, waxaan dhalinta xusuusinayaa in marnaba aadan sheeko kaliya aaminin, waa inaad raad raacdo qofka aad nolosha la wadaagayso, waa inaad dad badan kala tashataa, oo ehel u ah oo wanaag lagu yaqaano, hadii aad xogtiisa raadiso waxaa hubaal ah inaad helayso, salaada ma tukado waa arin lagu heli karo si fudud, gabar caqli badan ayaa wiilkii la sheekeysanayay waydiisay, walaalow masjidkee ku tukataa, markaasuu yiri" waxaan ku tukadaa masjid Hudaa, markaas ayay tiri, masjidkaas waan aqaanaa, salaada duhur iyo salaada casar wadaad cod macaan ayaa ka tujiya, markaas ayuu yiri " anigaba waan ku tukadaa luuqadiisa markuu tajwiidka akhrinayo waad la yaabaysaa salaada duhur, markaas ayay ku tiri" oo salaada duhur miyaa kor loo akhriyaa quraanka??!!  
halkaas ayay shakhigii koowaad ku heshay inuu san salaadaba aqoon.

waxaa muhiim ah inaad ogaatid in seygaaga salaada uu diidan yahay, iyo inuu san tukan kaliya, hadii ay kuu cadaato inuu salaada u tukan waayay diidmo ama uusan aaminsanayn waajibnimadeeda, waxaad qaadanaysaa inaad ninkaas nolol la wadaagin, maxaa yeelay wuxuu yiri nabigeena NNKH annaga iyo gaalada waxaa noo dhexeysa salaada, qofkii ka taga wuu gaaloobay.
waxaan kugula talinayaa inaad wacdiso oo aad Allah xusuusiso, hadii uu kaa diidana ehelkaaga u sheeg, isla markaasna go'aan ka gaar inta aadan caruur u dhalin taariku salaad, Allahna u bari inuu hanuuniyo.
Allaha kuu fududeeyo aamiin