AQALGALKA GABADHA UDHISA GACALKEEDA

AQALGALKA GABADHA UDHISA GACALKEEDA

Gabadha intaan gacalkeeda loo guri geyn, waxaa loo baahan yahay in loo dhiso, loona naashnaasho. Saciid bin Al-Musayib wuxuu ibni Cabbaas (RC) ka weriyey inu yiri: Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) kolkuu gabadhiisa Faadumo (RC) u guurinayey Cali (RC), wuxuu haweenkii ku yiri: “Gabadheyda Faadumo waxan u guurinayaa ina adeerkay Cali.

Waanad ogsoon tihiin halkay iiga taallo, waxaanan doonayaa inaan haddeer u guri geeyee, gabadhii waa taase dhisa”. Kolkaa intay Faadumo u tageen bay ugeliyeen waxay dahab lahaayeen, kuna udgiyeen waxay barafuunno lahaayeen.

Muddo markuu ka maqnaa buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) mar labaad u galay haweenkii, markaas bay uga bexeen qolkii, waxase ku hartay gabar la oran jiray Asmaa’ binti Cumays.


Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) baa markaa weydiiyey gabadhii: “Adigu tumaad ahayd?”. “Tii gabadhaada ilaalineysay baan ahay”, una raaciday: “Gabadha habeenka la aqalgelinayo waa in ay qof dumar ihi la joogto u adeegta, hadday dan yeelatana ufulisa”. Markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) ugu duceeyey: “Eebe hortaada, gadaashaada, midigtaada iyo bidixdaada intaba sheydaan haka ilaaliyo”.

Haddaba, gabadha habeenka aqalgalka waa in inta si wanaagsan loo dhiso, la raaciyaa gabar kale “Malxiisad” ninka guriga ugu gelisa, una bandhigta qurux jirkeeda wixii ku qarsoon, iyadoo mar lugeheeda tusta, mar gacmaheeda, mar wejigeeda marna dahabka dusheeda ku raran, si uu isha uga buuxsado ugana dhergo intaanba gogol iyo galmo la isla gaarin. Waxaa weliba habboon in ninka xaaskiisa loo aqalgeliyo habeenkii kolkay dunidu degto dadkuna jabaqda dhigo.


thumbnail Title: AQALGALKA GABADHA UDHISA GACALKEEDA
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-17T19:52:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
AQALGALKA GABADHA UDHISA GACALKEEDA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at March 17, 2016 and have 0 comments