DAAWO Cadadka Gaadiid Dagaal ee laga gubay Putland, Tirada Ciidamo ee looga dilay Dagaalka socda Iyo Ciidamada laga qabsaday (Akhri)

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaalka ka socda Xeebta Puntland ee Gobolka Nugaal, waxaana lasoo warinayaa in Dagaalka uu sii xoogeysanaayo.

Dagaalka oo Hub culus leysu adeegsanaayo, ayaa waxa uu khasaaro kala duwan kasoo gaaray labada dhinac ee Dagaalka uu u dhexeeyo.

Maleeshiyaadka Dagaalka kula jira Maamulka Puntland, ayaa gubay Gaadiid dagaal oo ay lahaayen Ciiidamada Puntland kuwaasi oo la qabadsiiyay qorayga loo yaqaan Sabanka.

Maxamed Suleymaan Cabdi oo kamid ah dadka ku nool deegaanka Garacad, ayaa sheegaya in Khasaaraha uu yahay mid labada dhinac ah, islamarkaana uu indhihiisa ku arkay ilaa Seddex Gaari oo ay leeyihiin Ciidamada Puntland oo la gubay, waxa uuna sidoo kale sheegay inay jiraan Ciidamo badan oo laga dilay Puntland.


Maxamed Suleymaan, waxa uu sheegay in Dhimashada Ciidamada Puntland ay gaareyso ilaa 14, halka dhaawacana uu sii caga-cageynaayo 18 oo u badan Ciidamii ugu horeeyay ee Dagaalka ku hormaray.

Gaadiidka la gubay ayuu Maxamed Suleymaan sheegay in laba kamid ah ay ku xirnaayen qorayga loo yaqaan dhashiikaha, halka midka soo harayna uu ahaa Cabdi-bile daabulaayay dhaawaca, oo isna Saban ay ku dhufteen maleeshiyaadka.

Sidoo kale, Dagaalka ayaa waxa ay maleeshiyadu ku qabteen Ciidamo ilaa 4 kuwaasi oo uu ka cararay gaarigii ay la socdeen.

Dhinaca kale, maleeshiyaadka ayaa waxaa iyaguna Dagaalka looga qabtay ilaa 6 maleeshiyo oo Laba kamid ah ay ku hubeysnaayen Saban iyo qoriga loo yaqaan PKM.