DEG DEG:Qaraxyo ka dhacay magaalada Brussels

DEG DEG:Qaraxyo ka dhacay magaalada Brussels

Laba qarax ayaa waxaa laga maqlay gagida diyaaradaha ee Zaventem ee magaalada Brussels.

Qaraxyadu waxay ka dhaceen goobta ay adeegsadaan dadka duulaya.

Waaxda dab damiska ee Belgium ayaa warbaahinta gudaha u sheegtay in ay dhimasho iyo dhaawacba jiraan.

Ma cadda waxa sababay qaraxyada.

Dadkii ayaa laga daad gureeyay garoonka waxaana la baajiyay duulimaadyadii oo dhan.

Qaraxyadani waxay imanayaan afar maalmood kaddib markii magaalada Brussels lagu qabtay Salax Cabdisalam oo ahaa ninkii ugu muhiimsanaa ee loo raadinayay qaraxyadii Paris ka dhacay bishii November

Sawiro la soo dhigay baraha bulshadu ku xiriirto ayaa muujinaya mid ka mid ah dhismayaasha garonka oo uu qiiq ka baxayo, waxaana jira warar sheegaya in jahwareer uu ka dhacay garoonka intii ay dadku isku dayayeen in ay ka cararaan qaraxa.


thumbnail Title: DEG DEG:Qaraxyo ka dhacay magaalada Brussels
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-23T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DEG DEG:Qaraxyo ka dhacay magaalada Brussels



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at March 23, 2016 and have 0 comments