Egypt: Xildhibaanada Masar oo xilkii ka xayuubiyey Xildhibaan kulan la yeeshay Safiirka Isra’iil

Baarlamaanka dalka Masar ayaa Arbacadii shalay codka u qaaday mooshin xilka looga xayuubinayey xildhibaan kulan qarsoodi ah la yeeshay Safiirka Isra’iil u fadhiya magaalada Qaahira.

Xildhibaan Towfiiq Cukasha oo kamid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore ee Xusni Mubarik ayaa sidoo kale leh Barnaamij lagu baahiyo Telefishinka, wuxuuna gurigiisa kula kulmay Safiirka Isra’iil u fadhiya Masar Ambassador Haim Koren oo casho gurigiisa ugu sameeyey.

صورة من لقاء السفير حاييم مع عضو البرلمان توفيق عكاشة pic.twitter.com/5NzzZOnryg

— السفارة الاسرائيلية (@IsraelinEgypt) February 25, 2016

Arrintan ayaa buuq ka dhalisay Baarlamaanka, waxaana kalfadhigii ugu danbeeyey uu mid kamid ah Xildhibaanada uu kab ku tuuray Xildhibaan Towfiiq Cukasha.

Xildhibaankan ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday Dowladii Ikhwaan Muslimiinka ee Maxamed Morsi, wuxuuna kamid yahay xildhibaanada sida weyn u taageeri jiray Xukuumada Militariga, waxaana lagu xasuustaa inuu hada kahor si weyn u taageeray Duqeyntii Isra’iil la beegsatay Marinka Gaza iyo xisbiga Xamaas oo ay xulafa ahaayeen Ikhwaanka.

Xildhibaanka ayaa hada kahor Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ugu hambalyeeyay weerarkii uu ku qaaday Gaza, isla markaana ugu baaqay in Isra’iil sidoo kale weerarto dalka Iran.

Tawfiiq Cukasha ayaa cambaareeyey in xilkii uu hayey laga xayuubiyey isagoo sheegay in kulankii uu la yeeshay Safiirka Isra’iil ay uga wada hadleen xiisada ka taagan Biyo Xireenka Itoobiya ka wado wabiga Niil iyo waliba xiisada ka dhex taagana Falastiiniyiinta & Isra’iil.

Balse Safiirka Isra’iil ayaa dhankiisa wax eed ah iska fogeeyey isagoo sheegay inuu xildhibaanka casumay kadib markii uu isagu Tawfiiq Cukasha ka dalbaday inay wada kulmaan.