Hanjabaadii Xasan XANAFI ee Maxkamada (Video + Sawirro)

Hanjabaadii Xasan XANAFI ee Maxkamada (Video + Sawirro)

Dilaaga wariyayaasha Xasan Xanafi Xaaji Ismaaciil oo shalay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah ayaa mar hadalka la siiyay uu maxkamadda ka sheegay hadal ay dadka qaarkii u fasiran karaan hanjabaad.
Eedeysane Xasan Xanafi ayaa maxkamadda ka sheegay in dilalka lagu eedeynayo badankood ay al-Shabaab geysatay ayaa waxaa uu qirtay oo kaliya dilka hal wariye. oo uu isagu gacantiisa ku dilay.
” – Al-Shabaab ayaa wariyayaasha badankood dishay, laakiin aniga waxaan gacanteyda ku dilay hal wariye“, ayuu yiri Xasan Xanafi.
Dabadeed hadal hanjabaad u muuqda ayuu hadalkiisa raacsaday kaddib markii lagu riday xukunkii dilka ahaa.
” – Waa arki doontiin ban in ay istaagaan dilalka wariyayaasha kaddib dilkeyga“, ayuu yiri Mr. Xanafi.
Gaashaanle Xasan Cali Nuur oo xukunka Xanafi ka akhriyay maxkamadda ayaa sheegay in Xasan Xanafi Xaaji Cabdisalaan uu ka dambeeyay dilalka wariyeyaasha kala ah;
Mahad Axmed Cilmi
Cali Iimaan Sharmaake
Saciid Tahliil Axmed
Mukhtaar Maxamed Hiraabe
Sheekh Nuur Abkeey.
Maxkamadda ayaa lasoo bandhigay markhaatiyo iyo codad caddeymo ah oo laga duubay Xasan Xanafi oo qiranaya dilalka qaar ka mid ah wariyayaasha lagu eedeeyay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA



thumbnail Title: Hanjabaadii Xasan XANAFI ee Maxkamada (Video + Sawirro)
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-04T23:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Hanjabaadii Xasan XANAFI ee Maxkamada (Video + Sawirro)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at March 04, 2016 and have 0 comments