La Yaab: Nin madaxa Biskoolad isaga dhuftay xili uu Sawiro Selfie iska qaadayay

La Yaab: Nin madaxa Biskoolad isaga dhuftay xili uu Sawiro Selfie iska qaadayay

Ninkaan oo kasoo jeeda magaalada Washington, ayaa si kedis ah oo kama’ ah madaxa xabad isaga dhuftay, xili uu Sawiro Selfie ah isaga qaaday Biskoolad uu lahaa.

Ninkaan ayaa isaga iyo gacalisadiisa waxay sawiro dhowr ah isaga qaadayeen Biskoolad, balse ninkaan oo aan rasaasta ka saarin Biskoolada ayaa asigoon filaneen madaxa iska saaray si uu sawir isaga qaado, waxaana dhacday inuu madaxa Xabad isaga dhufto, sidaasna ku geeriyoodo.


Gacalisada ninkaan oo warbaahinta lahadashay, ayaa sheegtay in iyada iyo Saaxiibkeed ay saacado badan sawiro Selfie ah isaga qaadayeen Biskoolada.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Clark, ayaa la sheegay inuu Biskoolada ku hilmaamay hal mir oo rasaas ah, taasoo sabab u noqotay inuu aduunka macsalaameeyo.


thumbnail Title: La Yaab: Nin madaxa Biskoolad isaga dhuftay xili uu Sawiro Selfie iska qaadayay
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-05T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
La Yaab: Nin madaxa Biskoolad isaga dhuftay xili uu Sawiro Selfie iska qaadayay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at March 05, 2016 and have 0 comments