Madaxweynaha Ruushka Oo Amray In Si Deg Deg Ah Ciidamadiisa...

Madaxweynaha dalka Ruushka, ayaa si kadis ah ugu dhawaaqay in ciidamadiisa kaga sugan dalka Syria intooda badan uu kala baxaayo, hadalkaasi oo noqday mid ay ka yaabeen wadamada reer Galbeedka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay ulajeedadadii Syria ay u galeen ciidamadiisu ay ka gun gaareen oo ka bixitaankooda dalkaana uu maanta oo Talaada ah billaabanayo.

Hadalka Putin, ayaa ku soo aaday, iyadoo wada hadal uu u socdo Dowladda iyo Kooxaha Mucaaradka dalka Syria, wada hadalkaasi oo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay.

Ruushka ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee madaxweyne Asad, waxa uuna Asad qudhiisu war uu ka soo saaray xafiiskiisa ku sheegay in uu la dhacay mowqifka Moscow.

Madaxweyne Obama ayaa dhigiisa Ruushka Putin kala hadlay qorshahay ay Msocow ciidamadeeda qayb kamid ah uga soo saarayso Suuriya.

Aqalka Cad ayaa sheegay in labada hogaamiye ay kawada hadleen tallaabooyinka xiga ee loo bahnyahay in l qaado si loo fuliyo heshiiskii joojinta colaada.

Marka laga soo tago ciidamada Siiriya ka baxaya waxaa jiri doona kuwo kale oo dalkaas ku sii sugnaan doona waxa ayna joogi doonaan Laba saldhig oo waa weyn oo dalka Siiriya ku yaalla kuwaas oo sii gacansiin doona ciidamada dalka Siiriya.