Naagaha Is cadeeya Sidee Ragooda Ula seexdaan -Daawo gabadhan

Farxiyo Axmed waxa ay ka mid tahay gabdhaha isticmaala daawooyinkaas mar aan wax ka weydiiyay sababta ku kaliftay in ay isticmaasho. Ayeey tiri ” abaayo waxaa igu kaliftay wiil aan shukaansan jiray ayaa iga raacay gabar cad oo asalkeedi hore ahayd gabar madow” waa cajiib arinta ay ka dhawaajisay farxiya. si kastaba ha ahaatee waxaa sidoo kale jira gabdho kala kulmay dhibaatooyin.sida zamzam omar oo ka mida gabdhaha iyana is dhaqa waxa ay ” waxaan kala kulmay inuu wajiga iga halaabay taasi oo sabab u ah jirkeyga oo aan xamili karin daawada maadaama uu difaaci jirka ka dhamaadey iyo inaan kuleelka u adkeesan karin iyo haddii uu nabar igu dhaco aan dhaqso u bogsan karin”.

Hooyo faadumo oo gabdheheda qaar kamida is cadeeyeen ayaa sheegtay in dhibaato ay ku qabto gabdheheeda taasoo ay kamid tahay in aaney jikada gali Karin gabdhuhu oo ay ka baqayaan in wajigu ka halaabo.

Dhaqaatiirta ayaa sheega in dhibaatooyin badan laga dhaxlo daawooyinkaasi oo qaarkood loogu talagalay in marka qofka cadi Fin kazoo baxo uu marsado si gaduudka finkaasi ula mid noqdo jirka intiisa kale,

Dumarka isticmala dawooyinkaasi ayaa ku dhibtooda dhalmada hadii ay noqoto in caruurta lagu qalo Sidoo kale waxaa jirkooda ka dhamaada nuxuka jismiga ee loogu talagalay in uu daboolo neerfayaasha ama xididada jirka.

Majiraan wax wacyi galin ah oo laga sameeyo arintaan balse waxaa jira hal ku dhigyo dadka falkaan ku kacaa ay niyada ku dhistaan Sida DOQON AYAA MADOOW iyo wax lamida.

Ugudanbeeyntii Hablaha soomaaliyeed ayaa dhaqan ahaan u badan hablo leh madow qurxoon oo dadka soo jiita ayna ku faanaan maadama ay ka soo jeedaan qaarada afrika waana Midabka manta aduunka looga yaqaano Chocolate.

Guji halkaan ka daawo