Quraafaadka laga aaminsan yahay xuubka bikrada

Mararka qaarkood waxaa looga hadlaa xuubka bikrada sidii xuubmagiciis, waxaan ula jeednaa sidii dahaar ku daboolan marinka siilka oo dilaaca markii galmo la sameeyo. Waa muhiim in la ogaado in uuna dhab ahaantii jirin xuub bikro. Waxa run ahaantii jiraa waa laab xuub-axaleed oo ku wareegsan geesaha marinka siilka waxaana loogu yeeraa siil-cumaamadeed. Siil-cumaamadeedka dumarku waa ku kala duwan yihiin oo qaabab kala duwan ayey leeyihiin, waxa shaqo khaas ah oo uu qabtana ma jirto.

Dad badan ayaa aaminsan in xuubka bikradu uu jiro uuna caddayn u yahay in gabadhu ay bikro tahay(in ayna galmo samayn). Kuwa aaminsan in uu jiro xuubka bikradu waxay sugayaan in ay bikradu jabto marka ugu horaysa oo ay gabadhu galmo samayso, oo markaasna uu gabadha hoosteeda dhiig ka yimaado. Runtuna waxay tahay in ayna qiyaastii 70% wax dhiig ahiba aysan ka imaanin gabdhaha marka ugu horaysa oo ay galmo sameeyaan. Lagamana arki karo gabadha siilkeeda in ay bikro tahay iyo in kale.