Su’aalo Ay Qasab Tahay Inuu Arday Kasta Isweeydiiyo Si Uu U Guuleysto

Waxaan doonayaa in qormadaan aan ka soo qaado, su’aalo dhowr ah oo badanaaba ay is weydiiyaan ardayda waxbarasho doonka ah, ama ay qasab thay in ay is weydiiyaan.
Waa su’aalo la xiriira mustaqbalkaaga iyo noloshaada ardaynimo ka dib.
Haddii aad is weydiinaysid, maadada aad baranayso, meesha aad ka baran doonto iyo qaabka aad u baran doonto iyo hamiga aad leedahay ee mustaqbalka ah, qormadaan waxay fikrad kaa siin doontaa sida ugu haboon ee su’aalahaaga jawaab ugu heli kartid.
Badanaa ardaydeena way ku yar tahay tirada is weydiiso su’aalahaan ama ay helaan dad kala taliya, sababahane way kala duwan yihiin, aqoon darri ha iska jirto ama awood la’aan wax doorasho intaba.
Ardayga markuu rabo inuu maado barto waa in maadadaas horta hore uu u hayaa jeceyl iyo sabab weyn oo ku qasbayso inuu barto, hadii labadaba aysan jirin oo ay ka tahay jaamacad ayaa la ii xareeyay wixii ii soo baxo ayaan baranayaa, waxaa dhici karto in uu ku qanci waayo, kadibne uu waxbarasho ka haro ama uu mid kale galo sidaasne waqti uga lumo.
Waxaa laga yaabaa inuusan ardayga ka fiirsanin jaamcada uu ka baranayo maadada uu jecelyahay, taasna ay saameyn ku yeelato mustaqbalkiisa oo jaamcada ay magac u yeelin shahaadadiisa ama shaqo fiican uu ku heli waayo ama aqoon dheeraad uusan ku sii wadi karin, taasina ay keento niyad jab weyn.
Waxaa dhici karto ardayga maadada uu rabo inuu ku qaldo maado kale ay isku dhow yihiin taasina ay ku qasabto inuu gadaal ka ogaado in ay ka duwan tahay wixii uu ku fakaraayay.
Waxaa dhici karto in ardayga uu jaamacada ku doorto qarash yari kaliya isagoo aanan fiirin dhibaatooyinka ay ku yeelan doonto shahaadadiisa iyo mustaqbalkiisa.
Waxaa dhacday in arday jaamacad iyagoo wada ay xirantay oo dhowr sano oo juhdi iyo qarash ka khasaaray, waxaa dhacday in arday jaamcad shahaado degree ka qaatay, kadibne jaamcadii suuqa ka baxday oo markii ay ardaydii Master degree doonteen la aqbali waayay maadaama ay wataan shahaado jaamcad aanan jirin.
Dhibaatooyinkaas iyo wax la mid ah, si looga hortago waa in Su’aalahaan hoos ku xusan qof kasta oo arday ah is weydiiyaa.
1- Maxaan Baranayaa?
2- Sababtee Ayaan U Baranayaa?
3- Halkee Ayaan Ka Bartaa?
4- Mustaqbalka Maxaan Damacsanahay?
Su’aalahaas waa in aad u raadisaa jawaabo ku qancin kara inta aadan waxbarasho galin.
Waa in aad ra’yigaaga aad wax ku dhistaa oo talo qof kale aysan ku wareerin, waxaa laga yaabaa in qofka aad la tashanayso uu kugula taliyo waxa uu jecelyahay isaga.
Arday badan waxay jaamcadaha uga hareen, ra’yigooda kuma soo galin jaamcadda oo waalid ayaa ku qasbay ama qof qaraabo ah oo qarashka jaamcadda bixiya, isagoo uusan ka fakarin.
Su’aasha hore, waa midda ugu muhiimsan, jawaabteedane adigaa lagaa doonaayaa, sababtoo ah, waxa aad baranayso qof kuu sheegi karo malahan, maxaayeelay qofka shakhsiyadiisa, iyo hamigiisa iyo qaabka uu jecelyahay inuu u shaqeesto iyo waxyaabo kale ayay ku xiran tahay.
Mathalan qof jecel shaqo fudud oo buuq lahayn oo xafiis u badan, waxyabaha uu baranayo way ku xiran tahay, haduu qofka jecel yahay macallinimo iyo inuu wax qof baro, waxa uu baranayo way ku xiran tahay, haduu qofka uu yahay qof firfircoon oo farsamada ku fiican ama gacantiisa ay u sahlan tahay inuu wax ku qabto, waxyaabo gooni ayuu dooranayaa, haduu qofka wax akhriska uusan jecleyn sidoo kale waxa uu baranayo waa in uu ka fiirsadaa.
Sababahaas iyo kuwa ka badan oo la xiriira qofka dabcigiisa ayay ku xiran tahay inuu meel ka gaaro waxbarashada uu galayo, matalan wadama horumaray markii ardayda dugsiga gare galin ama markay ka baxanaaba oo aysan jaamacadaha galin waxaa la siiyaa koorsooyin lagu barayo takhasusyada kala duwan iyo faaidooyinka ay leeyihiin iyo waxa ardayga uu filnayo si uusan ugu wareerin doorashada, maadaama fursadaas aysan jirin wadankeena, ardayga si sahlan ayuu u wareerayaa, taasna ay keensanayso inuu waxbarashada dhan naco ama u arkaba in waxbarashada jaamcadda ay sidaasba u adagtahay.
Su’aasha labaad iyadane waa muhiim in qofka uu ka fiirsado oo ah sababta uu u baranayo maadadaan, wayna kala duwanaan karaan.
Waxaa dhici kara in qofka u barto shaqo fiican ku hel, ama magac ku yeelo  ama maadada ayuuba jecel yahay ama sababo kalaba.
Sidaas darteed, waa in fikrad fiican ka heysataa waxa aad baranayso sababta aad u galayso in ay noqoto sabab fiican oo joogto ah oo aysan noqon mid ku meel gaar ah, mathalan hadii aad wax u barato shaqo xilliga aad waxbarashada galayso qiimo leh ama lacag fiican lagu helo darteed in aad u barato oo ay dhici karto in shaqadaas ay sii jiri doonin markaa waxbarashada ka baxdid.
In aysan sababtu noqon, saaxiibkey ayaa maadadaan bartay anigane waa in aan bartaa.
Sababaha ugu fiican ee wax loo barto waxaa ugu horreeyo in qofka ay hobby ama hiwaayad ay u ahayd inta uusan waxbarashadaas galin ama uu aad u xiiseeyo maadadaas, taasi oo u sahleyso waxbarashadaas kadibn si raaxo leh oo isdhib ku jirin oo ugu raaxaysan karo shaqadiisa mustaqbalka.
Sidaa darteed maadada aad baranayso iyo sababta aad u galayso in ay is leeyihiin safiican uga fiirso, mathalan qofbaa caafimaadka u galayo inuu lacag ka sameeyo, maxaa yeelay wuxuu arkay takhtar hebel oo magaalada dagan oo alcag fiican ka helay.
Taasi kaliya sabab maahan maxa yeelay waa in qofka uu ka fakaraa takhtar hebel meeqo sano ayuu wax soo baranayay ama lacag uga soo baxday waxbarashada illaa uu soo gaaray heerkaas, midda kale sabarkii iyo juhdigii iyo awooddii aad intaas oo sano u gali lahayn ma istaahishaa lacag ka hel kaliya.
Meeqaa maanta takhaatiirta ka lacag badan oo waxbarasho ka fudud caafimaadka ku helay oo ay dhici karto in aad mustaqbalka aad dhihi doontid, in aan barto ayaa fiicnaan lahayd.
Sidaa darteed sababta waxbarashada aad u galayso ka fakar, kala sheekeyso macallimiintaada iyo waalidkaaga, baaritaan kuu gooni ahne samayso oo fikrad ka qaado maadada aad xiisaynayso inta aadan tashanin.
Su’aasha sadaxaad oo ah, halkee wax ka bartaa, jaamcaddee ama wadankee? tani waa su’aasha badana ardayda ay is weydiiyaan iyagoo aanan ka soo jawaabin labada su’aal ee ka horreysa, taasina qalad ayay u horseeddaa ardayda iyo jahwareer, waxbarashada aad baranayso waa in jaamcadda aad ka baranayso ay magac ku leedahay oo waxbarashadeeda tayo leedahay oo shahaadadeedane ay aqoonsi leedahay oo horay wax ugu sii baran kartid, qasab maahan in jaamacad gooni ah laguu tilmaamo oo ay dhici karto in ay kaa fogtahay ama aadan awoodin.
Qofka dadaalkiisa iyo aqoontiisa iyo firfircoonidiisa ayaa meel gaarsiiso, shahaado ka sokow, maxaa yeelay meeqaa isku jaamcad ka soo baxday qofna magac ku yeeshay oo aqoontiisa laga faaideystay meeqaane ka muuqan waxbarashadii aad isla soo barateen, sidaa darteed adiga ayay kuu laabanaysaa jawaabta su’aashaan.
Noqo qof aqoon korosis rabo oo wixii ka maqan raadsada oo aqoontiisa cusbooneysiiyo oo caalamkaan maanta isbedelka badan la jaanqaadi karo.
ha noqon qof wax akhriskiisa ay ku egtahay xilligii ay shahaadada uu soo qaatay kaliya, maxaayeelay haduu hadafkaaga uu ahaa shahaado soo qaado kaliya, mustaqbalkaaga halis ayuu ku jiraa.
Hadii intaas aad ka jawaabtid, waa in aad is weydiisaa su’aasha ugu dambayso oo ah, shahaadadaan aan soo qaadanayo, maxaan ku samayn doonaa, maxaan mustaqbalka ii qorsheysan oo aan hiigsadaa oo aan fiirsadaa maalin kasta si aan u gaaro, qof ayaa magac inuu ku gaaro u qaata, qof ayaa qof kale u yahay tilmaan inuu isaga oo kale noqdo, qof ayaa inuu meel gooni ah shaqo uga helo wax u barto, mathalan tusaale ahaan qof ayaa jeclaan jiray inuu dago wadan gooni ah oo uu ka shaqaysto sababa isaga u khaas ah dartiis, qofkii jaaamcadda uu ka soo baxay si uu ugu shaqeeyo wadankaas, waa inuu horta hubiyo wadankaas shahaadadaan malaga aqoonsan yahay, hadii ay shuruudo kale la xiriiraan shahaadadaas, maxay yihiin oo aan xoogga saaraa, taasi waxay tahay macnaheeda waa in mustaqbalkaaga aad adiga qorshaysataa.
Noqo qof leh hadaf iyo qorsho mustaqbaleed.
Ahdaafta loo aasaasay somalidoc.com waxaa ka mid ah in ardayda xiisaynaysa barashada caafimaadka in aan kala talino waxbarashadooda iyo meelaha ugu sahlan way wax ka baran karaan oo aan ku xirno arday kale oo wax ka barato wadanka ama jaamacada qofka uu xiiseynayo.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa qormadaan talo uu macallimiinteyda mid ka mid ah uu dhihi jiray oo ah: “Noqo qof leh qorsho, haddii kale qolaa qorsho kuu dajisanaysa“.
Mahadsanidiin
Abdullahi M. Mahdi
Xigasho: somalidoc.com