VIDEO: Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo lagu qabtay Colombia

Koox tahriibayaal ah oo doonayay in ay si sharci daro ah ku galaan dalka Panama si ay ugu sii gudbaan wadamada Mexico iyo Mareykanka ayaa la qabtay iyagoo dooni u saarnaa Panama.

Tahriibayaashaan oo u kala dhashay dalalka Somalia, Pakistaan, Mali, Bangladesh, Haiti iyo Cuba, waxaana loo taxaabay xabsi ku yaal dalkaasi Colombia.

Tahriibayaashaan ayaa doonayay in ay dalka Panama ugu sii gudbaan Mexico si ay halkaasi socdaal dhanka lugta ah ugu sii gudbi lahaa xuduuda dalka Mareykanka.


Tiro Soomaali ah ayaa xabsiyada ku yaal koonfurta Ameerica ku xiran, kuwaasi oo lagu soo qabtay iyagoo si sharci daro ah ugu tahriibayay dalka Mareykanka.


GUJI HALKAAN ka Daawo