Waxtarka Baamiyaha u leeyahay ragga baamiyaha oo kordhiya biyaha ragga iyo kacsiga haddii qaabkaan loo isticmaalo

baamiyaha wuxuu leeyahay vitamiino kala duawan sida A, B1, B3, B6, C, K waxyaalaha uu qabta halkaan ayaad ka heli kartaa, naagaha uurka leh aad buu ugu fiican yahay wuxuu kaloo la dagaallamaa jirrada sokorta waxyaalaha ku jira baamiyahay wuxuu nadaaminaya sokorta dhiigga sidoo kale wuxuu u roon yahay kelliyaha wuxuu kaloo nadiifiyaa mindhicirada adag , sidoo kale ilmaha yaryar wuxuu ka reebaa jirrada xiiqda iyo dadka waaweyn iyo carruurtaba wuxuu ka difaacaa jirrooyinka neefta, dadka baamiyaha badsada jirkooda wuu iftiimayaa wuxuu bixiyaa qurux aad la soo koobi karin, waxaa lagaa rabaa marka aad ogaato faa’idooyinka laga helo inaad badsato oo aad ku dadaadsho, waxaa fiican in basal iyo saliid lagu kariyo.

baamiyaha waxa uu saameyn weyn ka geysta qaybta kacsiga iyo kordhinta biyaha ragga taas oo dumarka wax garadka ahi ay ragooga u kariyaan baamiyaha haddii aad ku shiido ama ridiqdo toon iyo basal iyo saliid olive waxad noqonaysa wada awood gaar ahaan dhanka galmada sidoo kale isku day inaad ku kariso basal iyo saliid iyo yaanyo ama tamaandho dab aad u hooseeya qadar 6 daqiiqo ah adigaa arki waxtarkiisa