Waxyeelada Sonkorta

Waxyeelada Sonkorta

Sonkorta waa shay aad uu khatar badan, oo waxyeeladiisuna aay badan tahay. Waxtarna an lahayn. Vvtamin, macdaan(minerals) oo dhan maba laha. Faidaada kaliya ee aynu ka helna waa dhandhanka macaan ee aay macaan tahay. hadaba aynu eegno waxyeeladeeda.

1. Wax nafaaqo maba laha, sida vitamiin ama macdano.

2. marka aay sonkortu dhiigga gasho waxay isku badaasha laaba mado oo layidhaa glucose iyo fructose. fructose hadi uu qofku badsado waxaay isku badashaa baruur, taas oo waxyeelo uu geysan karta beerka. khatartaasi waliba waxay sii badaneysa, hadi anu qofku ahayn qof firfircoon, aan samayn jimiicsi.

3. Sonkortu waxa u qofku ka qaadi karaa macaan (sonkorow)

4. Baadhitaan la sameyeey waxa lagu ogaadey in Sonkorta laga qadi karo cudurka kansarka. Cudurka oo inta danbe caalamka kuso badanaya. sonkortu waxay ay nafaqo siisa unugyaada Kansarka.

5. Sonkortu qofka miisan ayey ku kordhiisa.

6. Sonkorta waxa laga qaada cuduraada wadnaha ku dhaca. cilmi baadhiis aay sameeyeen Journal of the American Heart Association sanadku marku ahaa 2013 waxa la ogaadey in sonkoortu ay dhawaac uu geysato wadnaha.

7. kolestroolka ayey kor uu qaada.

8. Sonkortu waxay kor u qaadaa dhiigkaarka.

dadka badankooda waxa dhacda iney Sonkorta iska yareeyaan, iyaga oo ilooba in waxyaabo badan oo tukanka lagu ibiiyo ay ku jirto Sonkor fara badan. waxyabahaas oo ay ka mid yihin buskutka, keega (dolshaaha) iyo nacnaca. marka waa muhim wixi aad afkaaga galineysid inaad marwalba aad ogaatiid waxa ku jira. hadi aad tahay qof an dhaqdhaqaa badanayn, waa inaad dhinta Sonkorta aad cuntid.

waxad ku badali karta Sonkorta, waxayabo dabiici uu macaan. waxyabahaas waxa ka mid ah malabka, timiirta, sabiibta iwm.


Qore: Amran Jama
thumbnail Title: Waxyeelada Sonkorta
Posted by:galmada Net
Published :2016-03-06T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Waxyeelada Sonkorta



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at March 06, 2016 and have 0 comments