XOG:- Kenya Iyo Itoobiya Oo Ku Dhow Inay Ku Dagaallamaan Kismaayo

Warar ay heshay Shabakaddaha saxaafada ayaa waxay sheegayaan in xaalad cabsi ah ay ka jirto Kismaayo, kadib markii laga baqay iney dagaallamaan ciidanka Itoobiya iyo kuwa Kenya.


Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay billaabeen inay isku fidayaan meelaha ay ka joogaan Kismaayo, waxaana la xaqiijiyay in ay dhinac dageen dhammaan xerooyinka kuwa Kenya.



Saraakiisha Kenya ayaa ku sheegay qorshahan inuu yahay mid la doonayo in iyaga looga raro Kismaayo, balse waxyaabahaasi oo dhan aanay halkaasi ka socon doonin.


Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in hadii arrintaan ay kasii socoto Kismaayo laga yaabo inay sabab u noqoto dagaallo dhaca ama dhibaatooyin kale.