11 dhalinyaro tahriib doon ahayd oo maanta lagu xiray Garoonka Magaalada Muqdisho..

11 dhalinyaro tahriib doon ahayd oo maanta lagu xiray Garoonka Magaalada Muqdisho..

Waxaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho lagu xiray 11 dhalinyaro ahayd, oo la sheegay inay dooneysay inay tahriib ugu amba baxaan dalka Masar.
Dhalinyaradan oo watay visaha dalka Masar, ayaa wuxuu ujeedkoodu ahaa inay ku sii hakadaan dalka Kenya, halkaasina ay kaga sii tallaabaan Magaalada Qaahira.
General C/laahi Gaafow Maxamuud, Taliyaha Laanta Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu dhalintaasi ku eedeeyay inay nafsadahoodu ku haligi rabeen badda.
Taliyaha, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in xil uu ka saaran yahay inay ka hortaggaan dadka doonaaya inay u tahriibaan Wadamada Qaaradda Yurub.
Hay’adda Dembi Baarista CID oo lagu wareejiyay dhalintan, ayaa waxaa lagu wadaa in baaritaan ku sameyso waxa ka jira wararka sheegaaya inay u tahriibayaan dalkaasi Masar, sida uu sheegay General Gaafow.



thumbnail Title: 11 dhalinyaro tahriib doon ahayd oo maanta lagu xiray Garoonka Magaalada Muqdisho..
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-21T23:57:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
11 dhalinyaro tahriib doon ahayd oo maanta lagu xiray Garoonka Magaalada Muqdisho..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at April 21, 2016 and have 0 comments