Daacish oo sheegay in xero ciidan ka furteen Soomaaliya (Sawirro)

Daacish oo sheegay in xero ciidan ka furteen Soomaaliya (Sawirro)

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee fadhigoodu yahay dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa muuqaalkii u horeeyay soo bandhigay, kaasoo ay ku sheegeen inay xero ciidan ka furteen Soomaaliya, kaasoo ay ku tababarayaan dagaalyahanada ku soo biira.

Muuqaalkan ayaa waxaa ka soo muuqday Sheekh C/qaadir Muumin oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab, balse ku biiray Daacish.

Dagaalyahanada ka soo muuqday muuqaalkan ayaa watay dhar isku midab ah, qoryo fudud, waxaana ay sameynayeen tababaro, iyagoo ku dhawaaqayay inay yihiin ciidamada dowladda Islaamiga (IS).

Waxaa ay u muuqdeen dhalinyaro tababaran, balse aan sidaa u badneyn, waxaana bandhiga muuqaalkan ay kaga dan lahaayeen inay ku qortaan dagaalyahano.

Sheekh C/qaadir Muumin oo hogaaminaya kooxdan ku biirtay Daacish ayaa la rumeysan yahay inuu saldhigoodu yahay Gobolada waqooyi bari ee Soomaaliya (Puntland), halkaasoo uu horay ugu sugnaa markii uu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Isniinti la soo dhaafay ayaa qoraalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxay Daacish ama ISIS ku sheegatay inay ka dambeysay qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamada AMISOM, kaasoo ahaa weerarkii ugu dambeeyay ee ay ka geystaan Soomaaliya.






thumbnail Title: Daacish oo sheegay in xero ciidan ka furteen Soomaaliya (Sawirro)
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-27T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Daacish oo sheegay in xero ciidan ka furteen Soomaaliya (Sawirro)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at April 27, 2016 and have 0 comments