Madaxda Yurub oo booqaneysa qaxootiga Suuriya

Madaxda Yurub oo booqaneysa qaxootiga Suuriya

Saraakiisha ugu sareysa qaaradda Yurub ayaa waxa ay booqanayaan qaxootiga Suuriya ee ku sugan dalka Turkiga.
Haweeneyd hogaamiyaha ka ah dalka Jarmalka, Angela Merkel, waxa ay sheegeysaa inay doonayaan inay arkaan xaaladda nolosha ee xerada qaxootiga.
Xeradaasi waxay ku taallaa Gaziantep, halkaas oo ku dhow xuduudda Suuriya.
Waxa ay sidoo kale dhiira gelinayaa heshiiska muranka dhaliyay ee Midowga Yurub iyo Turkiga ay saxiixdeen.
Heshiiskaasi waxa uu dhigayaa in la maareeyo sida loola dhaqmaayo qaxootiga.
Qofkii xilligan tahriib ku gala Yurub waxay u badan tahay in dib loogu celiyo Turkiga iyo in qaxootiga Turkiga ku sugan dib u dejin looga sameeyo Yurub.
Turkiga dhankiisa waxa dib u celinta qaxootiga lagu siinayaa dhaqaale, waxaana loo ogolaandoonaan in dal-ku-gal si fudud lagu siiyo shacabka Turkiga.
Laakiin waxaa jiro walaac laga qabo arrintan oo Yurub ka taagan, kaas oo ah “sharcidarada heshiiskan”.


thumbnail Title: Madaxda Yurub oo booqaneysa qaxootiga Suuriya
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-25T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxda Yurub oo booqaneysa qaxootiga Suuriya



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at April 25, 2016 and have 0 comments