Magaalada Marka Yaa Ku Dagaalamaaya

Magaalada Marka Yaa Ku Dagaalamaaya

Wararka aan ka helayno Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabelaha hoose, ayaa sheegaya in saaka aroortii Magaaladaasi uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Dowladda iyo rag maleeshiyaad ah.

Iska hor imaadkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii Maleeshiyada hubaysan iyo ciidamada ay isku qabsadeen lacago laga qaado gaadiidka ka ambabaxa Magaalada, taasina ay keentay in dhinacyada ay dagaalamaan.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin dhinacyada dagaalamay ayaa halkaasi ku dhaawacmay, halka ruuxa kalena uu ahaa qof shacab ah oo rasaasta waxyeelo ay ka soo gaartay.

Ciidamada wada dagaalamay ayaa markii dambe si iskood ah u kala dhaqaaqay, iyadoo aysan jirin cid ku soo baxday ama soo kala dhexgashay.
Magaalada Marka ayaa waxaa ku wada sugan ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya iyo ciidan Maleeshiyo beeleed ah oo xaafado ka tirsan Magaaladaasi hub ku dhex haysta.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku guuelsan la’ xasilinta ammaanka guud ee Magaalada Marka oo mar waliba ay ka dhacaan dilal qorsheysan iyo iska hor imaadyo.

Shacabka Magaalada Marka ayaa dhibanayaal u noqday dadka dushooda ku dagaalamaya Mar waliba.


thumbnail Title: Magaalada Marka Yaa Ku Dagaalamaaya
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-15T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Magaalada Marka Yaa Ku Dagaalamaaya



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at April 15, 2016 and have 0 comments