Ruushka oo sheegay Somaliya inuu hub ka iibinaayo, marka xayiraada hubka laga qaado..

Ruushka oo sheegay Somaliya inuu hub ka iibinaayo, marka xayiraada hubka laga qaado..

Dowladda Ruushka, ayaa daboolka ka qaaday in Somaliya ay ka iibinayso Hub hadii Somaliya laga qaado xayiraada dhanka hubka ah ee saaran Somaliya.
Afhayeen u hadlay Dowladda Ruushka, ayaa sheegay Xukuumadda Raashka ay diyaar u tahay inay hub ka iibiso Somaliya si sharciga waafaqsan, balse taasi ay ka horeyso in xayiraada laga qaado.
Afhayeenka oo la hadlayey Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA Novosti ayaa tilmaamay inay Dowladda Somalia hubka ka iibin doonaan.
“Raashiya waxay diyaar u tahay inay meelmariso Codsiyadda Hubka ee uga yimaada dhamaan Dalalka Caalamka, oo ay Somalia ku jirto, haddii aysan cunaqabatayn saarnayn” ayuu yiri Afhayeenkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavarov waxa uu sheegay inay Dowladiisa diyaar u tahay inay garwaaqsadaan inay Somalia iska kaashadaan Arrimaha Farsamadda Milliteriga.
Somaliya ayaa xilligaan waxaa saaran cunaqabateyn dhanka hubka ah, inkastoo Dowladda ay hesho hub, hadana ma’ahan hubka Dowladda ay hesho midka waaweyn.


thumbnail Title: Ruushka oo sheegay Somaliya inuu hub ka iibinaayo, marka xayiraada hubka laga qaado..
Posted by:galmada Net
Published :2016-04-21T23:37:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ruushka oo sheegay Somaliya inuu hub ka iibinaayo, marka xayiraada hubka laga qaado..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at April 21, 2016 and have 0 comments