Somaliland Oo Dugsiyadda Turkiga Laga Leeyahay Ugu Hanjabtay In Ay Xidhi Doonto Markii La ogaaday Hawlo Ay Faraha Kula jiraan.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Mudane Yuusuf Cismaan Garas ayaa digniin culus u diray Dugsiga sare ee Nile Academy Laantiisa Hargaysa,
digniintaas oo ujeedada ka danbaysa ahayd iyada oo baryahaaba warbaahinta laga maqlayey in dugsiga Nile Academy oo laga leeyahay Waddanka Turkigu ay doonayaan in ay ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanka Dugsiyadda Sare ee fasalka afraad ay geyn-doonaan Magaaladda muqdisho ee Waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya si imtixaanka shahaadiga ah halkaa kaga qaadaan.Haddaba Wasiir Kuxigeenka Waxbarashaddu isagoo arrimahaa tixraacaya waxa uu soo saaray warqad digniin ah oo ku socota Dugsiga Nile Academy, Safaaradda Turkiga ee ku taala Hargaysa, Ardayda dhigata Dugsigaa iyo Gudiga waalidiinta Dugsiga Nile Academy si looga hortago arrimahaas.Warqadaas oo uu ku saxeexan yahay Wasiir kuxegeenka Wasaaradda Waxbarashadda Somalilan kuna qornayd Afka ingiriisiga waxay u dhignayd sidan:-

Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland marnaba ogolaan mayso in arday u dhalatay geyiga Somaliland imtixaan u fadhiistaan Magaaladda Muqdisho, Sababta oo ah Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo kala duwan sidaa darteed waxan dugsiga Nile Academy iyo Safaaradda Dawladda Turkiga u fadhida Somaliland uga digaynaa in aanay ku fakarin arrimo noocaas oo kale ah, haddii ay dhacdo arrintaasi waxay Wasaaradda Waxbarashaddu dib u eegis ku samayn doontaa shaqada aad Somaliland ka haysaan.