Soomaaliya waa dowlado yar yar oo ay xukunto Itoobiya dhinaca Waxaa qoray: Ayaanle Xuseen Cabdi

Laga soo bilaabo marki ay dhacday dowladdii kacaanka Soomaaliyeed 1991, Itoobiya waxay mar walba ku taameysay hirgalinta shirqool ay ku tirtireyso dowladnimada Soomaaliya. taasi oo nuxurkeedu yahay in Soomaaliya ay ka dhisto dowlado yar yar oo qabiileed oo aan isku gudbi karin oo ay iyadu damaanad ka tahay dhinacyada siyaasadda, difaaca iyo ammaanka

Heerka koowaad waa dowladaha ay sida toos ka ah uga howlgalaan sirdoonka Itoobiya iyaga oo awood u leh in ay howshi ay doonaan ka qabsadaan. waxaa kale oo ay haystaan damaanad ah in loo gacan galiyo ciddi ay doonaan sharuud la’aan.

1. Somaliland 2. Punland

Heerka labaad waa dowladaha aan lahayn dhul ay gacanta ku hayaan ee ay Itoobiya ka shaqeyneyso sidi ay ufidin lahayd awoodooda maamul. waana kuwo aan wali helin darajadda Somaliland iyo Punland ee aan wali laga furin xafiiska loogu yeero wakiil gacansiga oo uu fadhiyo wakiilka iyo xarumaha jaamacadaha iyo fidinta dhaqanka Itoobiya.

1. Koonfur Galbeed 2. Jubaland

Heerka sadexaad waa kuwo aan hadda macno badan u lahayn Itoobiya laakin qorshuhu yahay marka hore in ay gacanta u galaan rag u carbisan Itoobiya. Galmudug ayaa lama filaan ku noqotay damicii Itoobiya kadib marki doorashadi ka dhacday Cadaado looga adkaaday musharixi ay wadatay ama taageereysay.

1. Galmudug 2. Hiiraan & Shabelle dhexe oo aan wali la dhisin

Madaxda heshiisyadaasi saxiixday iyo qoraaladiba waa la heli karaa waxaana ugu dambeeyay kii Garawe ee uu damaanad qaadka masiirka siyaasadeed ee Soomaaliya lagu siiyay wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya. Kaasi oo dhacay wax yar kadib heshiiski Madaxweynaha Puntland iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya ku yeesheen Addis ababa kaasi oo Itoobiya si buuxda loogu wareejiyay difaaca Puntland cid kasta oo soo weerarta.

Nin Soomaali ah oo reer Hargeysa ah ayaa horay u sheegay in isaga oo dagan Hotel kuyaala Hargeysa uu albaabka u soo garaacay nin xabashi ah kaasi oo weydiiyay sababta uu uyimid iyo goorta uu noqonayo?

Ninki ayaa is adkeeyay oo yiri addigu maxaad ahayd? Xabshigi ayaa ugu jawaabay waxaan ahay Itoobiyaan soow ma’ogid in aan mas’uul kanahay ammaanka Somaliland sidaa dareed waa in aad iiga jawaabtaa wixi aan ku weydiiyay? Ninki oo baqdini gashay ayaa u sheegay qabiilkiisa iyo suldaanka reerkiisa sidaa ayaa lagaga tagay kadibna isaga oo aragagaxsan ayuu dib ugu laabtay halki uu kayimid! inta aanan hadlin baa ka badan ee waxaas oo kale kala kulmay dalka.

Dowladaha Soomaalida ee ay Itoobiya haysato

1. Soomaali galbeed (Ogaden)

Qorshuhu wuxuu yahay in Soomaaliya ay lamid noqoto Ogaden ugu dambeyn waqti aan dheereyn. kii gumeysiga ku jiray waxaa lagu abaal marinayaa in uu ku faano in uu yahay Itoobiyaan si uu kuwa kale u jecleysiiyo Itoobiyanimadu in ay ka wanaagsan tahay Soomaali nimada. halka kuwa kalena siminaaro lagu siinyo in ay dhagaha wax magaratada ku shubaan walaalaheena Itoobiya.

Muxuu yahay qorshaha xigga haddeer ee ay Itoobiya dhawaan fulin doonto

1. Waa adeegsiga dakadaha Soomaaliya iyada oo badeecadda sida ay uga soo dagaan Soomaaliya iyaga oo aan la furin si toos ah loogeynayo Addis ababa kadibna Soomaaliya dib loogu soo celiyo iyada oo ganacsi ah.waxaana qandaraaskaasi haysta siyaasiyiin iyo ganacsato Soomaali ah oo la shaqeysta gumeysiga. Tusaale ahaan gaariga Soomaaliya ka jooga $15.000 waxa uu Itoobiya ka joogaa $5000 waxaana uu ka soo dagaa Soomaaliya taasi oo macnaheedu yahay maamulka iyo manaafacaadka dakedaha waxaa iska leh Itoobiya.

2. Qorshaha labaad waxaa weeye in Soomaaliya si toos ah looga isticmaalo lacagta Birta Itoobiya iyada oo aysan jiri doonin lacag shilling Soomaali ah. waxaana dhaqaalaha labada waddan maamulidoono oo jaan goyndoona Bankiga dhexe ee Itoobiya.

Waxaa qoray Ayaanle Xuseen