WAAN JECLAHAY WIILKAAS, WALIGAYNA ILAAWI MAYO!!

WAAN JECLAHAY WIILKAAS, WALIGAYNA ILAAWI MAYO!!
Waxaan ahaa ardayad dhigata kulliyada caafimaadka guud markii aan isbaranay wiil aan isku da' nahay oo aan isku fasal ahayn, wuxuu ahaa wiil degan oo miisaaman, isla markaasna ku fiican waxbarashada, dabeecadiisa iyo xiriirka fiican ee uu ardayda la lahaa ayaan is arkay anigoo jecel,aniga oo dhiniciisa la ii jiidanayo, waxaa itaabtay quruxdiisa, hadal macaanidiisa, ixtiraamkiisa, hadii aan ku sii dheeraado, wax ceeb ah kuma arkin,  waxay igu qaadatay muddo inaan u sheego inaan jeclahay, kadib waan usheegayna wuxuu iisheegay in isaga laftiisu uu aad ii jecel yahay, taas waxay ahayd fariin aad iiga farxisay, una maleeynayay inay tahay mid run ah.
hadii ay dhacdo maalin aanan arkin wajigiisa, waxaan dareemi jiray murug badan, waxaan abuuran jiray howlo iyo ballamo si aan usoo arko, xataa waxaan sheegi been badan si aan u arko, ama wakhti ula wadaago, kalsoonida ehelkey igu qabaana aad ayay u weynayd, waxaan ku wadahadli jirnay in marka aan dhamaysano waxbarashada isguursan doono.
waxaase maalin kusoo toosay isbedel weyn oo xagiisa ah, wuxuu ii sheegay in aabihiis u doonay gabar ay ilmo adeer yihiin, hadalkaas ma ahayn mid aan maqalkiisa xamili karay, wuxuu iiga dhignaa hanqar yeeray oo kale.
waxaa iisoo baxday in riyadii aan habeen kasta arki jiray ay tahay mid been ah, waxaana dareemay in wax weyn aan waayay oo kale, waxaan is arkay anigoo iska ilmaynaya, qof kasta oo i arkana wuxuu dareemayay in wax iga si noqdeen, waalidkey waxay u maleeyeen in Il -ceyn igu dhacday, waxaana la igu bilaabay quraan akhris badan.
waxaan ka fakaraa xusuustii maalmihii jacaylka, mana iloobi karo, anigoo ogaaday inuu mehersaday gabadhii ay qaraabada ahaayeen, ayaa hadana rajaynayaa inuu soo noqon doono mar uun, mararka qaarkood waxaan wacaa telefoonkiisa, markaas ayuu i dejiyaa, wuxuuna iisheegaa inuu wili ijecel yahay, laakiin waxaan dareemaa inuu been iisheegayo, waxaan codsanayaa in la ila taliyo:


ALMOSTASHAR JAMALUDIN CAWKE
waxaan oran lahaa walaashan: hadii uu jacayl been noqdo, waxaa been iyo ismoodsiis ah jacaylkaan aad soo qortay, taas waa xaqiiqda sheekadaada iiga muuqatay, aniga oo aan doonayn inaan ku niyadjabiyo, waa run in guur ka hor uusan jirin wax jacayl la dhaho, waana arin khatar ku ah dhalinta in qalbiga sidaan loo dhaqaajiyo iyadoon caqdi guur dhicin, iyadana oo aan si run ah loo fakarin, iyadoon la muujin masuuliyad.
dhalinta isku mashquuliya sheekooyinka romantic ah waxay inta badan ku dhacaan god kaan oo kale, waxaana keenaya iyagoo oo si aan ku talogal ahayn u bilaaba xiriiro aan caadi ahayn, taas oo ku danbeysa inta badan mashaakil dabo dheer.
sheekadaada dhamaanteed waxay muujinaysaa in jacayl been ah kaa indhotiray waxbadan, inaad la kulantay xiriir khiyaano iyo ismoodsiis ku dhisan, waxaana inta badan la kulma dhacdooyinkaas gabdhaha isku mashquuliya caashaqa(Ramance), kuwa daawada riwaayadaha loo sameeyey wareerinta dhalinta islaamka, ee inta badan kiciya dareenka dhalinta iyo nafsiyadooda, kuna abuura fakar iyo nolol khayaali ah oo aan lahayn miisaan diin iyo mid akhlaaqba.
si kastaba ha ahaatee, wuxuu helay wiilkaan qalbiga gabar raqiis ah , markaas ayuu ugu ciyaaray sidii Jilaaga film-yadu ay ugu ciyaaraan kuwa caashaqa matalaya, Taas anigoo xanuunkeeda kula dareemaya, hadana waa muhiim inaad qaadid masuuliyada dhacdadaas, waxaa mid laga xanuunsado ah inaad ka faa'iidaysatay kalsoonida waalidkaa, oo aan banjoog u noqotid dhalinta aan naxariista lahayn, sharaftaadana hoos u dhigtid.
wax kasta waa wax qoran, hadana waa inaan ka faaiidaysanaa khibradaha xun ee nolosheena soo maraya maalin walba, isla markaasna aan saxno kana towbad keeno khaladaadka aan ka galno Allaha ina abuuray.
wiilkaan wuxuu kuu muujiyey inuu ku jecel yahay, si uu buuxiyo baahida nafsiga ah ee uu dareemayay, wuxuuna kaaga gudbay nolosha dhalanteedka ahayd, wuxuuna guursaday mida uu ku khasbanaa inuu guursado, ama ha kuu sheego in ehelkiis ku khasbeen, ama isaguba ha ku kalsoonaadee, taas waa xaqiiqada dhacday.
adiga waxaa waajib kugu ah inaad ilowdo dhacdadaan, inaad ka gudubto oo aad ku darto sheeko xariirtii hore waa mid ku siinaysa fursad labaad oo aad noloshaada ku kabto.
la hadal caqligaaga iyo damiirkaaga, kaas xaq uma lahan inaad qalbigaaga ku haysato, iyo inaad sugto inuu kuu soo noqon doono, iska ilow noloshiisa, hadaladiisa, dabeecadiisa, waan ka xumahay way dhamaatay sheekadaas, ujar xiriirka, qalbigaagana ka saar, intaas kuugu filan wareer iyo khalad, naftaadana qiimee, ogow in lax walba shilalka ay isdhigto lagu gowraco, marxalaad kuugu filan is dhiibis iyo khajilaad, marka waa inaad fayl keeda iska xirtaa, kusoo noqo noloshaada runta ah.
Allah unoqo, oo u towbad keen, xiriirka Allah na xooji, weydiiso inuu qalbigaaga ka saar, xusuuso naftaada qiimaha ay leedahay, ogow in waxbarashadaada iyo noloshaada kale ay muhiim u tahay marxaladan, buuxi wakhtiyada firaaqada ah, si aadan mardanbe usoo xusuusan, kalsoonidaada dhis oo naftaada la hadal.
waxaan kuu rajaynayaa guul, wixii kugu adkaada nagala soo xiriir Waaxda latalinta qoyska iyo dhalinta, Email: talobixin@hotmail.com  ama Whatsapp +252907750000