Faransiiska oo kormeeraya qandaraas ay shirkad heshay

Faransiiska oo kormeeraya qandaraas ay shirkad heshay

Ra'iisal wasaaraha Faransiiska Manuel Valls, ayaa sheegay in isaga qudhiisu uu kormeerayo qandaraas ballaaran oo ay ku guuleysatay shirkad dalkaasi laga leeyahay, kaasi oo markab quusa badda hoosteeda oo casri ah loogu sameynayo ciidammada badda ee dalka Australia.


Valls ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Camberra ee dalka Australia, halkaasi oo dhiggiisa dalka Australia, Malcolm Turnbull uu ka sheegay in labadani dal ay haatan billaabayaan tobaneeyo sano oo uu dhex mari doono xiriir dhow oo iskaashi ah.


Shirkadda ku guuleysatay qandaraaskani oo lagu magacaabo DCNS, qandaraas lagu qiimeeyay 39 bilyan oo doolar waxayna kaga guuleysatay shirkado laga leeyahay Japan iyo Jarmalka.
Shirkaddani ayaa sheegtay in markabkaasi oo qaadi karay 4,500 oo tan uu noqonayo markab dagaal kii ugu casrisanaa oo taariikhda adduunka soo mara.



thumbnail Title: Faransiiska oo kormeeraya qandaraas ay shirkad heshay
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-03T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Faransiiska oo kormeeraya qandaraas ay shirkad heshay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at May 03, 2016 and have 0 comments