HORDHACA GALMADA AQRI HANA KACSAN PLZ

HORDHACA GALMADA AQRI HANA KACSAN PLZ

Dad badan baa aaminsan in sida ay ragga iyo dumarkoodu isugu galmoodaan oo laga sheekeeyaa tahay wax ceeb ah oo ay habboon tahay in laga aamuso, waxaana weeye “waa siday ku andacoonayaane” wax Eebbe dadka ku abuuray oo qofku iyadoon looga sheekeyn uu keligii baranayo, fahamka caynkaas ahise waa mid runta ka fog. Waxaa jira xaqaa’iq ka dahsoon xitaa kuwa isqabay tobanaanka sanadood oo intay isguursadaan, carruur isu dhala, dabeetana muddo dheer dabeeto kala dhinta iyagoon weli dhadhamin macaantii dhabta ahayd ee galmada.

Inay jiraan dhibaatooyin u baahan in la xalliyo ha yeeshee daawadoodii la garan la’yahay, waxaad ka garan kartaa sida dhaqsaha leh ee uu u baaba’o jacaylkii ay isu qabeen labada ruux intii aanay aqalgelin, iyada oo durbaba kolka toddobaadka laga baxo aad arkaysid inuu billowdo kala-did iyo khilaaf laga yaabo inuu keeno furriin degdeg ah. Waxyaabaha khilaafka keena waxa ugu horreeya aqoon darrida ku saabsan isu diyaarinta galmada, qaababka galmada iyo gunaanadkeeda intaba, waxaanay ugu sii daran tahay kolka ay aqoon darridaasi ka timaado dhinaca ninka.

Haddaba si aynu ummadda Soomaaliyeed u tusno in ka sheekeynta iyo dhaqangelinta qaababka kala duwan ee galmadu aanay ahayn ceeb ‘siday dadka qaar ku andacoonayaan’, waxaynu soo daliishanaynaa Aayad Qur’aan ah, annagoo weliba kahor marinayna qiso yar oo la sheegay inay soo degitaanka Aayadda sabab u ahayd. Ibnu Cabbaas (RC) waxaa laga weriyey inuu yiri: (Waxaa wada degganaa dad Ansaar ah oo dhagxaanta caabuda iyo dad Yuhuud ah oo iyagu kitaab lahaa. Ansaartu waxay Yuhuudda u arkayeen dad ka aqoon badan, saa darteed bay wax badan dhaqankooda kaga dayan jireen. Dadka Yuhuudda ahi dumarkooda waxay ugu galmoon jireen oo qura qaabka dhinac dhinaca, iyada oo weliba cawrada haweeneydu ay aad u asturan tahay. Dadka Qurayshta ah iyaga waxa caado u ahayd inay dumarkooda qaab kasta ugu galmoodaan uguna raaxaystaan, hadday ahaan lahayd soo jeed, sii jeed, jiif iyo joog intaba.

Kadib markii dadkii Muhaajiriinta (Quraysh) ahaa Madiina tageen, ayuu nin kamid ahi guursaday naag reer Ansaar ah, waxana uu damcay inuu ku billaabo qaababkii galmo ee ay Qurayshi caanka ku ahayd, waase ay ka diidday, waxanay ku tiri: “Dhinac dhinac baa naloogu tegi jiraye ama saa iigu tag ama iga tag”. Dhibaatadii qoyskaa dadoo dhami wuu ogaaday, Rasuulkana (Sallallaahu calayhi wasallam) way gaadhay. Markaas buu Allaha cisada iyo heybadda lihi soo dejiyey Aayadda: “Haweenkiinnu beer bay idiin yihiin, ee ugu taga beertiinna saad doontaan”. Macnaha Aayaddu waa haweenkiinna ugu galmooda siijeed, soojeed, jiif ama joog qaabkaad doontaan, waase inaad uga galmootaan xubinta taranka oo qura oo aydnaan marnaba ku fekerin in aad dabada uga tagtaan. Eebbe waxa uu aayadda Qur’aanka ku leeyahay:

“Uga taga (dumarkiinna) halka Eebbe idin faray (inaad uga tagtaan)”. Rasuulka Suubbanina (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis ku yiri: (Eebbe ma fiiriyo “maalinta qiyaamaha” ninka naagtiisa dabada uga galmooda).
Haddaba barashada qaababka kala duwan ee galmadu waxa ay leedahay faa’iidooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin:
– Kordhinta raaxada iyo macaanta jinsiyeed. Awoodda dareenka macaansi waxa uu ku xiran yahay sida ay isu haystaan labada isu galmoonaya iyo dhaqdhaqaaqooda xilliga ay galmadu dhacayso, taasi oo iyana ku xiran hadba aqoonta ay u leeyihiin arrintaasi. Waxa jirtay in aqoon yahan hore uu yiri: (Macaanta galmadu ma waarto haddii loo joogteeyo hal qaab, oo aan lagu beddelin qaabab kale).

– Ka hortagga dhibaatooyinka iyo dhaawacyada caafimaad darrida keena. Dhibaatooyinkaasi oo si gaar ah khatar ugu ah haweeneyda uurka leh iyo ilmaha caloosheeda ku jira labadaba. Dhibaatooyinka caynkaasi ah waxa looga hortegi karaa in la isugu galmoodo qaabka ku habboon marxalad kasta.
– Xakamaynta uurka. Waxa la hubiyey in qaab kasta oo kordhiya macaanta xilliga galmadu uu sidoo kale kordhiyo suuragalnimada uur-qaadista. Qaabka fududeeya in biyaha lagu tuuro gudaha hoose ee cambarku, waxa uu fududeeyaa inay xawadu u gudubto ilma-galeenka. Ha yeeshee fursadda uur-qaadistu waxay yaraataa kolka la isticmaalo qaab keena inay xawadu dibadda u soo baxdo.


HORDHACA GALMADA
Waxaynu ogsoonnahay in noolaha oo dhami aanu isu galmoon ilaa uu hordhac (Shukaansi) sameeyo. Kalluunka, Shimbiraha, Naasleyda iyo xitaa Cayayaanku isuma galmoodaan iyaga oon hordhac dheer soo marin, kaasi oo mararka qaar dhib badan. Shukaansigu waxa uu door muhiim ah ka cayaaraa galmada, isaga oo ah garoon tijaabo lagu eegayo ilaa iyo inta uu isu qalmo dookha labada qof. Waxa kale oo shukaansigu uu ka dhigan yahay u diyaarin qanjirrada jinsiyeed loo diyaarinayo hawsha galmada.

Hordhucu wuxuu leeyahay dhowr tallaabo oo si talan-taalli ah loo qaado, si loo gaaro tallaabada ugu dambeysa oo ah galmada tooska ah.
1- ISDIYAARINTA
Labada qof ee isqaba waxaa la gudboon inay si wanaagsan galmada isugu diyaariyaan. Waa inay qubaystaan, afka cadaysadaan, iscarfiyaan, isqurxiyaan, jawiga guud ee guriga iyo jirkoodana ka dhigaan kuwo ku dhiirrigeliya inay isdoontaan.

Haweeneydu waa inay gurigeeda si wanaagsan u nadiifisaa, u carfisaa, ugu shiddaa qamqam (Uunsi, Cuud, Foox, Qore-qudde, iwm), ku bilbishaa Catar kuna buufisaa Barafuun gaar ahaan nooca uu ninkeedu jecelyahay. Waa inay qolka jiifka ku qurxisaa Daahyo, Dhiinsooleyaal iyo Foodareyaal indhuhu ku doogsadaan, dabeeto intay nalalka iftiinka badan ka damiso, udaartaa nal leh midab gaar ah (cagaar, jaalle, amaba guduud), kaasi oo sii kordhinaya quruxda iyo roomaansiyada qolka. Waa inay casho aad u macaan, rabitaanka furta, nafaqo badanna leh u diyaarisaa ninkeeda. Suxuunta ay ku gurayso iyo miiska ay saaraysana nadaafadda iyo quruxdooda aad uga shaqaysaa.. Intay soo qubaysato, waa inay si wanaagsan isu udgisaa. Waa inaanay marnaba illaawin indhaha kuulan, bushimaha iyo wejiga cusburaysan, lugaha iyo gacmaha cillaaman iyo dharka khafiifka ah ee jirkeeda laga dhex arkayo midabka indhuhu ku nuursadaanna leh. Intuu odaygeedu casheynayo, waa inay soo agfariisataa. Dhaqaaq kasta, dhugasho kasta iyo erey kasta oo afkeeda kasoo yeeraa waa inuu batrool kusii daraa dabka qalbigiisa ka aloosan. Waa inuu ku labalabeeyaa ma raashinkaad horta cuntaa mise iyada. Waxa uu markaa ninku billaabaa inuu afka, caloosha, indhaha, dhegaha, sanka iyo dalool kasta oo jirkiisa kamid ah ka shidaal qaato.

Ragga qaar baa jira aan ogayn inay dumarku sidooda oo kale dookh iyo dareen leeyihiin, iyaga oo doonaya naag qurux badan oo carfaysa, ha yeeshee aan iyagu waxba isku falin oo siday shaqada uga yimaadaan dhidid, shiir iyo af-ur kula duldhaca, sidaana galmo iyo raaxo uga doona. Ragga caynkaas ah waxaan xusuusinayaa xadiis Caa’ishah (RC) laga weriyey ooy ku tiri: (Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” kolkuu guriga soo galo wuxuu ka billaabi jiray cadayga). Waxaan xusuusinayaa oo kale xadiiskii C/laahi bin Cabbaas (RC) oo ahaa: (Xaaskeyga waxaan isugu qurxiyaa sida aan aniguba jeclahay inay isugu kay qurxiso).

Haddaba ninku waa inu qubaystaa, cadaysadaa, iscarfiyaa, timaha jartaa oo shanlaystaa (feedhaa), ciddiyaha iska jaraa, shaarubka gaabiyaa, galmadana isugu diyaariyaa sida uu ka doonayo xaaskiisu inay isugu diyaariso.

2- EEGMADA
Eegmada oo ah tallaabada xigta isdiyaarinta, wuxu ninku xaaskiisa ka toogtaa meel fog, isaga oo jaraya xuduud kasta, kana dhex dusaya qalbigeeda. Eegmada naxariista leh ee ninku eegayo xaaskiisu, waxay toosisaa rabitaankeeda iyada oon is ogeyn. Haddii xaasku ay dareento inay ku faraxsan tahay sida ninkeedu ula dhacsan yahay, waxay isku daydaa siday ugu mahad celin lahayd ama ugu abaal gudi lahayd, taasi oo ah inay tusto inay weli u jeellan tahay diyaarna u tahay, iyada oo adeegsanaysa tabeheeda iyo xeeladeheeda u gaarka ah.

3- HADALKA
Hadalka naxariista leh iyo sheekada macaan ee ninka, waxa lagu tiriyaa inay yihiin sahanka ka horreeya weerar jinsiyeedka. Haweeney kastaa – xitaa kuwa muddada dheer la qabay – kolka ay maqasho hadallada shukaansiga iyo ammaanta isugu jira ee ninkeeda ka soo yeeraya, waa ay jiriricootaa oo godlataa, dabeetana gaartaa heer isdhiibis.


thumbnail Title: HORDHACA GALMADA AQRI HANA KACSAN PLZ
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-30T00:11:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
HORDHACA GALMADA AQRI HANA KACSAN PLZ



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at May 30, 2016 and have 0 comments