Sare u kac ku yimid qiimaha Ariga lagu kala iibsado Muqdisho (SAWIRRO)..

Sare u kac ku yimid qiimaha Ariga lagu kala iibsado Muqdisho (SAWIRRO)..

Waxaa sare u kac laga dareemayaa Qiimaha lagu kala iibsado Xoolaha Nool Suuqyada Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Ariga oo dadka si aad ah u isticmaalaan.

Neefka Ariga ayaa markii hore waxaa la kala iibsan jiray lacag dhan Malyan iyo Shan boqol oo Shilinka Somaliga ah (1500) balse hada wuxuu marayaa labo Milyan iyo Lix Boqol (2600) oo Shilin Somali ah.
Sababta keentay Sare u kaca ayaa ganacsatada waxa ay ku micneeyeen inay tahay Roobabka da’ay oo jaray wadooyinkii ay soo mari jireen gaadiidka iyo sidoo kale Ramadaanka oo soo dhaw.


“Sare u kaca waa jiraa roobka da’ay ayaana sabab u ah sababtoo ah baabuurtii ariga Baadiyaha ka keeni  jireen waa ay yaraadeen, roobabka ayeeyna ka cabsadeen.” Ayuu yiri mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa Ariga Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa hada ka cabanaya qiimo kororka ku yimid Khudaarta Suuqyada Magaalada Muqdisho oo gaartay heerkii ugu sareysay muddooyinkaan dambe.





thumbnail Title: Sare u kac ku yimid qiimaha Ariga lagu kala iibsado Muqdisho (SAWIRRO)..
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-19T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sare u kac ku yimid qiimaha Ariga lagu kala iibsado Muqdisho (SAWIRRO)..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at May 19, 2016 and have 0 comments