SIRTII ka danbeysay kulankii Beesha Mareexaan & Kenya oo la shaaciyay {Daawo}

Warar badan ayaa laga faafiyay kulan magaalada Nairobi ka dhacay oo dhex maray siyaasiyiin iyo odayaal beesha Mareexaan metelayay iyo dowladda Kenya mas’uuliyiin ka socotay oo uu horkacayay wasiirka Amniga gudaha dalkaasi Joseph Nkaissery.

Arrintan oo dad badan ka yaabisay si dowlad deris ah iyo beel ka mida beelaha Soomaaliyeed xiriir noocaasi ah u dhex mari karo ayaa dadkii difaacay waxaa ka mid ahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Sheekh oo ku dooday in shirku ahaa shir Beesha yeelatay oo lagu casuumay wasiirka reer Kenya.

Sirta ka danbeysa shirka ayaa soo shaac baxday, taasoo ahayd in siyaasiyiinta iyo odayaasha Beesha Mareexaan ay magacooda ka fogeeyaan eeda loo jeediyay ee ah inay ka qeyb qaateen weerarkii Ceelcade ee 15 Janaayo 2015, waxayna Beesha Mareexaan in muddo ah raadinayeen inay iska fogeeyaan weerarkii Ceelcade ee lagu laayay askarta dalka Kenya oo hore guddi Baarlamaani ah oo Kenya ka tiran ku eedeeyay beesha Mareexaan inay lug lu lahayd, kulanka ayaa ahaa mid arrintaasi xal loogu raadinayay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA