Wenger: Bangi ayaa iga dalbaday inaan joogo

Wenger: Bangi ayaa iga dalbaday inaan joogo

Tabaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger, ayaa sheegay inuu asaga sabab u ahaa helitaanka lacagtii deynta ahayd ee lagu dhisay garoonka Emirates.

Taageerayaal badan ayaa la filayaa in ay maanta ka mudaharaadaan natiijo xumida Arsenal ee horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan.
“Markii aan dhiseynay garoonka, bangiga deynta na amaahinayay ayaa iga dalbaday in aan kooxda la sii joogo 5 sano oo kale, waxa uu doonayay damaanad ah in lacagtiisa uu helayo.” ayuu yiri Wenger.

Dhismaha garoonka ayaa bilowday sanadkii 2004, oo ah markii ugu dambeysay ee uu Wenger qaado horyaalka Ingiriiska. Waxaa lagu kharash gareeyay 390 milyan oo Pound.

Arsenal oo bilowgii sanadkan horyaalka hogaanka u haysay, ayaa hadda ku jirta kaalinta 4-aad, ayadoo 12 dhibcood ka hooseysa Leicester, taasoo laga yaabo in beri ay qaado horyaalka.




thumbnail Title: Wenger: Bangi ayaa iga dalbaday inaan joogo
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-01T01:55:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Wenger: Bangi ayaa iga dalbaday inaan joogo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at May 01, 2016 and have 0 comments