Xaalad yaanyo oo degdeg ah.

Xaalad yaanyo oo degdeg ah.

Xaalad degdeg ah oo ku saabsan qeybta yaanyada, ayaa looga dhawaaqay gobolka Kaduna ee waqooyiga Nigeria.
Cayiyaan loogu yeeray Tutu Absolute, ayaa 80% dhameeyay beeraha Yaanyada sida uu sheegay Daniel Manzo Maigar oo ah madaxa beeraha. Wuxuu sheegay in 200 oo beeraley ah ay ku waayeen ugu yaraan 5.1 milyan bishii la soo dhaafay.
Qiimaha dambiisha yaanyada, ayaa ka kacday $1.20 in ka yar seddax bilood ka hor oo gaartay in ka badan $40 maanta.
Nigeria, ayey madaxdu ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah, si loo ogaado inay qaadayan tallaabo xoog leh oo ay wax kaga qabanayaan dhibaatada sida uu soo sheegay wariyaha BBC-da Muhammad Kabir.
Gobolka, ayaa shaqaale dowladda ka tirsan oo beeraha u diray Kenya si ay ula kulmaan qubaro aqoon u leh sidii wax looga qaban lahaa cayiyaankan dhameeyay yaanyada.
Gobolka Kaduna, ayaa ku yaal waqooyiga dalka, halkaasi oo badi wax soo saarka yaanyada ka timaado.


thumbnail Title: Xaalad yaanyo oo degdeg ah.
Posted by:galmada Net
Published :2016-05-25T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xaalad yaanyo oo degdeg ah.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at May 25, 2016 and have 0 comments