XIDHIIDHKA JINSIGA EE BIOLOGY-GA GUUR IYO GALMO

Daawo Dumarka Ugu Siilka Macaan Waa Kuwa Leh Astaamahan.Qoraal+VideoGoortii falanqaynta asxaabtu gasho guurka iyo waayihiisa diiradduna inta badan qabato qiimigiisa sarreeya iyo sida ay doobab badan u tahli waayeen ayaa waxa so dhacda is-weydiin ah : horta habluhu guurka miyaanay ugu baahnayn sida ragga waa maxay sababta ay ragga oo kali ahi ugu bixiyaaan hanti iyo dadaal ka baxsan kan ay noloshu u baahantahay ee ah mid ay habluhu ku raraan ? hantida badan ee uu ninku ku bixiyo u-geed fadhiisiga , aroosidda iyo hawlaha la xidhiidha halkee ayay kaga jirtaa nolosha caadiga ah ee lammaanaha is-guursaday ay qaataan guurka ka dib ? saw iskama aha uun cadaadis ninka la saaro oo aan nolosha saamayn togan ku lahayn ?! hadiiba ay la qaybsan waayeen maxay habluhu kor ugu qaadaan qiimaha lagu guursanayo iyaba guur waa ay u baahan yihiine ?!

Naagaha Ugu Siil macaan oo ah kuwa leh. . . . . (Tilmaan + Video) 

Is-weydiimahan oo ku qottoma waaqica nolosha iyo maan-galnimada ayaa waxa looga jawaabaa dhawr dhinac oo kala ah dhanka dhaqanka , diinta iyo cilmi-bulsheedka halkaas oo qof walba isku dayo in uu wadaantiisa darsado se loo kala aqoon badan yahay ha yeesho e waxa aan inta badan cidina soo qaadin dhanka biology-ga ama aqoon-nololeedka oo iyadu ka qotto dheer kuwa kale waayyo waxay la xidhiidhaa nolosha asalkeeda iyo hiddaha ay wadaagaan noolayaasha oo dhan dadkuna ka mid yahay sidaa awgeed waxay ku salaysan tahay dabciga noolaha ee abuurka nolosha ku qottoma halka dhaqanka iyo diintu yihiin qaar u gaar ah dadka isla markaas qaabeeya oo qurxiya qawaaniinta nolosha ee biology ahaan u jirta !

Kolkii is-weydiimaha kor ku xussan la keeno anigu waxa aan is-tussaa in jawaabaha diinta iyo dhaqanka ama aqoonta-bulsho ay kor xaadis ku yihiin arrimaha salka ku hayya abuurka iyo qawaaniinta nolosha ee noole oo dhan wadaago kuwaasi oo iyagu asal u ah nolosha halka diinta iyo dhaqamadu salsallaxaan , xakamayn iyo xeerar u dhigidna u sameeyaan arrimahaasi abuurta la xidhiidha ( instincts / qariizooyin ) , sidaa darteedna kolkii laga hadlayo biology ama qariisooyinka nolosha waxa aan ka hadlaynaa waa marka la jooga noole ( xayawaan iyo dadba ) ee aan la soo gaadhin diin iyo dhaqamo bulsho oo u gaar ah dadka markaasina meesha ma qabato in lagu hor istaago dhaqanka ayaa sidan ah ama diinta ayaa dhigaysa oo dee diin iyo dhaqan wali maynaan soo gaadhin ee noole oo dhan ayaan isku wada qaadnay !

Noocee Ugu Macaan Wasmada Dumarka Tilmaan Sir Ah? 

Marka laga hadlayo noolayaasha ( dad , dugaag , xoola la dhaqdo , duur-joog , bad iyo barri waxa ku nool ) waxa ay wadaagaan arrimo badan oo marka la isku keeno suurto galiya nolol iyo jiritaan noole si isku mid ahna loo wada darsi karo ( biology ) ! qawaaniin iyo xeerar nololeed ay ka midaysan yihiin ayaa jira waxa ka mid ah xeerka TARANka , aqoon yahanka noolayaashu qaar waxa ay yidhaahdaan in u jeedka ugu weyn ee noola kasta leeyahay uu yahay in uu waaro ( aanu dabar-goin ) sidaa darteed ayuu qariisad ahaan ( abuur ahaan ugu borogaraamsan ) ugu dadaala sidii uu u noolaan lahaa , waxa ka mid ah jacaylka uu u qabo waaridda in uu iska reebo tafiir isaga ka mid ah oo sii jirta kolka uu isagu dhinto , ogobey ilmaha aad dhasho waa qayb adiga kaa mid ah oo waa unugyadaadi waxaanu sidaa hiddahaagii iyo hilibkaagii ! sidaas ayuu noole kasta halgan ugu jiraa sidii uu u waari lahaa intii suurto gal , hadiiba aanu ka baaqsanayn in uu dhintana iskaga reebi lahaa qayb isaga ka mid ah oo sii jirta iyana wax iska sii reebta !

Fanaanada Falis Cabdi oo Film Sexy looga duubay Jig jiga .

Haddaba noolaha badankiisu waa labo-labo ; lab iyo dhedig , xidhiidhka jinsiga ee dhex mara Lab iyo dhedigna waxa biology ahaan lagu macneyn karaa hawl wada-jir oo si wada jir ah u galaan labada jinsi mar ay wada jiraan si ay isaga reebaan qayb iyaga ka mid ah oo sii jirta dabadood !

Haddiiba ay sidaas tahay maxaa keenay iyo dadaalka loogu jiro arrintaas la kala badsado oo ragga culayska la saaro marka dadka la joogo se arrintaa in ninku noqdo kan isagu aadka ugu heellan jinsiga ma inala qabaan noolayaasha kale ee aan nolosha jaarka ku nahay ?!

Jawaabtu waxa weeye Haa , way inala qabaan , sababtuna waa qaabka taranka e labada jinsi oo kala duwan biology ahaan !

Dhediggu waxa ay la gaar tahay oo aanu Labku lahayn Kalsoonida buuxda ee ah inu wax dhallay iyo in kale ! oo halka dhediggu hubto in ilmaha ay uur qaadday yahay mid dhab ahaantii iyada ka mid ah kuna kalsoon tahay in ay tafiir iska reebtay Labku si buuxda uma hubo in ilmaha dhediggiisa uu galmada la wadaagay uur-qaadday isaga ka yimid , oo uu sido hiddihiisii iyo hilibkiisii ! inkasta oo horumarka uu keenay caqliga dadku la gaarka yahay suuro galiyay in haatan taasi la hubin karo haddana maaha wax nolosha fidriga ah ( dabeecadda abuurka ah ) ka mid ah noolayaasha oo dhanna waxay ka siman yihiin arrintan oo waa tay soomaalidu odhan jirtay ” hooyadaa ayaa kugu dhaaran karta se aabahaa kuguma dhaaran karo , aakhirana hooyada ayaad ku abtirsanaysaa waayyo iyada ayaa la hubaa ” ! , dadka Suudaanta ayaa iyaguna leh odhaah tan oo kale ah taaso odhanaysa ” abtigaagii joogay maalitii lagu dhallay waa uu ku dhaaran karaa in walaashii ku dhashay se adeerkiiga isla halkaa joogay kuma dhaaran karo in walaalkii ku dhaalay !” , kol haddii Labka iyo dhediggu ku kala geddisan yihiin arrintaas oo ah barkulanka ujeeddada taranka waxa dhacday inay ku kala geddisnaadaan dhanka ay ka galayaan xidhiidhka jinsiga iyo mid walba meesha uu xoogga saarayo .

Baro Qaabka Loo Soo Jiito Gabdhaha Garoobada Yurub iyo Mareykan Ku Nool.

Noolaha Labka ahi kol haddii aanu hubin in ilmaha dhedigga uu xidhiidhka la wadaagay dhashay kiisii yahay waxa uu xoogga saaraa dhanka tirada xidhiidh ee uu samaynayo si uu kor ugu qaado suurtagalka ( probability ) in tafiirta ay dhalaan dhedigga badan ee uu la xidhiidhay ugu yaraan qaar ka mid ah noqdaan kuwii isaga badali lahaa , isla markaas uu kor u qaadi lahaa hubaashiisa sidaa darteed ayuu noolaha Labku inta badan u janjeedhaa in uu dhedig badan xidhiidh galmo la sameeyo , waxa sidoo kale uu aad isugu taxalujiyaa in uu xoraysto dhedig u gaar ah ama qaar badan oo u gaar ah si uu u fogeeyo suurto galnimada inay la wadaagan Labood kale oo meesha ka saara hubaasha ama kalsoonida inuu isagu dhallay tafiirta ay sidaan dhediggiisu , arrintaasi oo Labku ku kabayyo kala dhantaalka kaga jira dhanka taranka waxaana ka siman Labka xayawaanka iyo Labka dadka haba ku kala geddisnaadaan qaabka ay u maareeyaane !

Noolaha dhedigga ah iyadu way hubtaa ilmo kasta oo uurkeeda galaa in uu yahay kii ay iska reebaysay guulna ka gaadhay hadafkeeda ah in ay sii jirto , markaa si ka duwan Labka waxa ay xoogga saartaa tayyada ilmaha ka hadhaya ( qaybta iyada ka mid ah ee hadhaysa) si uu u noqdo mid u babacdhiga duruufta deegaan iyo qallafsanaanta nolosha uu wajahayo , waa in uu sido hiddo-sidayaal tayyo wanaagsan oo caafimaad qaba , taasi dhedigga noolayaasha kala duwan siyaabo dul ahaan kala geddisan ayay u maareeyaan se asalka waa isku mid oo waxa weeye in ay doortaan Lab tayyadiisa nololeed sarrayso oo kartidiisa laga arko , tusaale ; dhedigga xawayaanka badankooda kolkii ay u gaadho xilliga ay biology ahaan diyaar u tahay inay tafiir iska reebto si fudud uun isuguma dhiibto Labka ay aragto se iyada oo ay ka muuqato rabitaanka Lab hadda ugu horrayn waa ay iska caabidaa Labka , waa ay ka oroddaa , meel ka gashaa iyada oo haddii Labood badan ku jiraan kooxdeeda fursad u siisa in ay ku dagaalamaan oo hirdan aan yarayni dhex maro ugu dambaynna kii ku adkaada dagaalka ama daali waaya ee iyada awood ku muquuniya ayay isku dhiibtaa kuna lammaan tahay dhammaan maalmaha ay diyaarka u tahay ( estrous cycle) iyada oo an wax carqalad ah hor dhigin waayyo waa uu ku guulaystay imtixaankii ay ka qaadday kol hadii uu ka adkaaday Laboodkii kale iyadana uu xoog ku muquuniyay markii hore taasi oo caddaynaysa in uu tayyo wanaagsan leeyahay , caafimaad qabo , hiddihiisuna wanaagsan yahay !

OGOOW:-Dumarka ma jecla ragga guskooda ween yahay xog

Aan kusoo dhawaado Labka iyo dhedigga dadka ; kama duwana xayawaanka asalka arrinta se maadaama oo ay caqli leeyihiin waxa ay u qaabeeyeen si la jaanqaadaysa dadnimadooda oo ka sarraysa meeqaamka xawayaanka aan garaadka lahayn , Labka dadku waxa uu ku kabaa dhinnaanta hubaashiisa waxa uu dhalayo in uu badiyo tirada galmo iyo taaktikada jinsi iyadoo arrintaa ay aad uga kaalmayso diinta iyo dhaqanka oo uu kala gaar yahay xayawaanada kale , Labka dadku waxa uu dhediggiisa ku xoraystaa qaab ay la ogyihiin bulshadiisu oo aan aqbali karin markaa in rag kale kula loolamaan ama kula dagaalamaan si uu u kordhiyo hubaasha in ilmaha dhediggiisu qaadday isaga ka yimid , habkani waa habka dhaqan ahaan iyo diin ahaan loo yaqaan Guur , waxa kale oo uu la wadaagaa Labka noolayaasha kale in uu dumar badan xoraysto ama gaar u xidho ( guursado ) si uu u kordhiyo isla hubaashiisa in uu dhab ahaan wax dhalay , inkasta oo diinta iyo dhaqamadu soo koobaan isla markaasna xakameeyaan inta dumar ah ee uu u galmo la wadaagi karo kol hadii laga kaalmeeyay in xaaskiisa ( dhedigga uu la jiro ) aan cid kale la wadaagi karin , tusaale ahaan Islaamku waa uu yareeyay guurka isago ku af-jaray ugu badnaan 4 dumar ah ( u fiirso ereyada : ugu badnaan = wax la yaraynayo , ugu yaraan = wax la badinayo , markaa islaamku guurka ma badin ee waa uu yareeyay taasna waxa ay tusinaysa in hal afo ka fiican tahay labo , labo ka fiican yihiin saddex , saddex ka fiican yihin afar , afar hadii la dhaafiyana fiicniba meesha ka baxday oo xumaan loo gudbay ) !

Dumarku ( dhedigga dadku ) iyaguna asalka waxa ay kala siman yihiin dhedigga noolaha kale in ay ku dadaalaan tayyada kol hadii ay hubaan wixi uurkooda gala inay iyagu dhab u dhaleen , ( waxa aan ka hadlaynaa waa biology iyo qariizooyin abuur ah oo laga yaabo in aan la wada dareensanaan se Ilaahay ku borogaraamiyay noolaha ) , qaababka ay ku xaqiijiso tayyada waxa ay dhali doonto waxa ka mid ah in Ninku iyada soo doonto ( sida dabiiciga ah ) oo sheeko iyo xodxodasho raganimo u baahan ku qabsado iyadoo loolan rag kale jiro , hadii uu iyada hanto ogolaanshana ka helo waa in uu hanasho iyo ogolaansho kale ka helo xigaalkeeda oo iyaga laftoodu qiimayn saaraya raganimadiisa ( tayyadiisa ) talana siiya iyada ogolaanshahana qayb ku leh , intaas waxa u wehelisa culayska dhanka dhaqaale oo dumarku jecelyihiin inay dusha ka saaraan ninka guurka ka raba ( la wadaagi doona beeridda tafiirta ka hadhaysa ) , waxa ay ka doontaa ninka xoolo siyaabo badan looga qaado siyaabo kale duwanna loo dhaqameeyo se ninka culays ku ah inta badan taas oo ay u dheer tahay in uu ninku soo diyaariyo hoygii la dagi lahaa iyo waxkasta oo ay tahay in lagu noolaado ,

Culayska dhaqaale ee ninka la saaro inkasto oo dhanka dhaqanka lala xidhiidhiyo siyaabana badanaa loo dhalliilo hadda arrintu ma aha jacayl ay dumarku rabaan inay ninka dhibaan ama tacabkiisa burburiyaan ee waa abuur laga yaabo in iyaga qudhoodu si buuxda u wada fahan sanayn oo ah tijaabin tayyada ninka la wadaagi doona ilmaha ay iska reebayso si uu u noqdo mid geed-adayg ah dabadeedna sii noolaan kara isna tafiir tayyo leh iska reebi kara ;

Weynida Guska Ama Yaraantiisaba Mid Dhadhanleh Dumara Ayaa Ka Dhigankara! Aqriso guji

Ninka qof dumar ah haasaawiyey ee qanciyay , xigtadeedana qanciyay , kaso baxay culays dhaqaale oo la saaray isla markaas diyaariyay hoygii lagu noolaan lahaa iyo hawshiisa dhaqaale waa nin ka tayyo fiican midka aan intaas karin , hidda wanaagsanna leh una qalma in qof dumar ahi u ogolaato in uu la wadaago ilmaha ka hadhaya e ay iyadu hubto inay dhashay se isaga ay la tahay in uu dhalay , kolkii culayska ninka la saaraa kordho haddana uu u kasoo baxana waxa sii caddaata tayyadiisa sidaas ayaanay gabadha dooniddeeda in hawl badan ninku galiyo guurkeeda aanay xad lahayn – waana biology inkasto dhaqanka iyo diintu xakameeyaan marar badan iyo meelo badan sida ay raggaba u xakameeyaan !

Ilaahay ayaa aqoon leh .

F.G : qoraalkan waxa uu ka duulayaa aragti biology ( cilmi nololeed ) ah ee shaqo kuma laha aragti bulsho , dhaqan iyo mid diineed toona .


W/Q : Maxamed C/laahi Ibraahim