26-ka Juun Waa Maalin Ceenkee ah Maxeyse Bulshada Soomaaliyeed uga dhigantahay (warbixin Xiiso leh)

26-ka Juun Waa Maalin Ceenkee ah Maxeyse Bulshada Soomaaliyeed uga dhigantahay (warbixin Xiiso leh)

Soomaaliya oo ka mid ah Wadmada Qaaradda Afrika waxaa Saameeyey Kacdoonkii gumeysigii Wadamada Reer Yurub ay ku bilaabeen Wadamo ka mid ah Qaraddan waxaana Dal walba oo ka mid ah Qaaradda Afrika gumeystay Waddan ka mid dalalka Yurub.

Wadamada Qaaradda Afrika Waxaa ay ku kala horreeyeen qaadashada Xorriyadda iyo Madaxbannaanida dalnimo ee ay ka qaadanayeen gumeystayaashii gacanta ku hayey,waxaa sidoo kale ku kala firfircoonaayeen Wadamadu dhaq-dhaqaaqa xorriyad doonka ee shacabk iyo dowladuba ay wadaan.

Dadka Soomaaliyeed oo gumeysi ahaan hoos-tageyey Wadamada Ingiriiska iyo Talyaaniga oo kala gumeysanjiray Woqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa la sheegaa inuu ahaa Waddanka ugu fir-fircoonaa ee Wadamadii la dagaalamayey heeryada gumeysiga waxaana Soomaaliya oo gumeysigu uu kala qaybiyey shacabkiisu ay halgan adag oo Dhibaatooyin badan sababay ay u galen sidii ay u helilahaayeen Madaxbannaani iyo isku duubni dhaxdooda ah si aysan mar dambe u dhicin in ay u hanqal-taagaan gumeystayaal kale oo danahoodu yihiin hor istaagga himilada Hormarka ee ummadda Soomaaliyeed

Caado ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa ahaa dad Jecel Dhaq-dhaqaqyada Xoriyad Doonka ee ay ku doonayeen Soomaalidu in ay Meesha kaga saaraan Gumeystaha iyo danahiisa dantooda ka hor imaanaya ayaa hadana 26-june Sannadkii 1960-kii waxaa xoogeystay Dhaq-dhaaqyada Xoriyad doonka ee guud ahaan ka soconayay geyiga Somaaliya, dhaqdhaaqasi waxaa uu si aad ah uga socday Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee Dalkeena.

26-june 1960-kii Maanta oo kale ayaa markii ugu horeysay waxaa suurta galay in dhulka soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Jamauuriyada Soomaaliya ka dib markii gumeytihii ingiriiska uu ogolaaday in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya waxayna taasi dhacday Saqdii dhexe ee Habeenimadii 26-kii June 1960 iyadoo Fagaaraha Bartamaha Magaalada Hargeysa Xilliga 12-ka Habeenimo laga taagay Calanka Jamuuriyada Soomaaliya waxaana Halkaas lagu saaray Calankii Soomaaliyeed iyo Dabaal dag weyn oo loo sameeyay Maalintaas .

Munaasabada 26-ka Juun oo ah Munaasabad Qiimo weyn ugu fadhida Umada Soomaaliyeed waxa ay ka mid tahay Taariikhda lama illaabanka ah  ee dalkeena Soomaaliya

Alle ha u naxariistee C.laahi Timacade waxay ahaayeen aragti xilligaas laga siinayay Umada Soomaaliyeed kuwooda halganka Xoriyada u so dhibaatooday iyo kuwa laabta ka taageersanaa ee taageerada La garabtaagnaa kuwaasi oo damacoodu ahaa in mar uun ay naceewda Xoriyada ay soo iftiimiso Geyiga Soomaaliyeed.

Maalintan oo kale waxay ahayd maalin taariikh weyn ku leh Umada Soomaaliyeed Islamarkaasna waxay ahayd maalin ay niyadda Umada Soomaaliyeed gashay dareen Farxadeed oo sida ciidda oo kale loogu dabaal dagay soo dhaweynta Calanka Jamuuriyada Soomaaliya Markii ugu horeysay laga dultaago Dhulka Soomaaliya Taasi waxay dhalisayy Aragti guud in Umada Soomaaliyeed Hankii ay waday Muddo Todbanaan Sanno ah iyadoo ku taameysay in Mar uun la arko Ciidda Soomaaliyeed oo Xor ah ­­­­­­­­­­­­­­­­­

Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo mar Soo noqday Ku Simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Sidoo kalena soo noqday ku Simihii Madaxweynaha Dalka wax bandanna ka og dhaq-dhaqaaqyadii Xornimo doonka ee Dalka ka Socday ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixinayaa sida ay u dhacday Xoriyadii 26ka June ee loogu dabaaldagayMunaasabaddaasi,Waxa ay uga dhigneyd Shacabka Soomaaliyeed Maalintaan Qiimha Badan iyo Waliba Dadkii Ka shaqeeyey in Xorriyad ay helaan Shacabka Soomaaliyeed oo Muddo ku jiray Gumeysi Xooggan.

Dadkii Joogay Xilligii Xorriyadda la qaadanayey Gaar ahaan habeenkii 26-June ee ku asteysan Xornimadii Goboladii Gobolada Woqooyi ayaa sheegaya in xilligaasi ay jirtay qiiro wadanimo oo qiima leh kana muuqatay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed,waxaana Shacab iyo Dowladba ay si isku mid ah u dareemayeen Farxadda Maalintaan,sidoo kale Dowladdii Xiligaa jirtay waxaa ay u sheegtay Shacabka in dhammaan umadda Soomaaliyeed ay Simanyihiin iyadoona shacabku arintaa ay qaateen oo ay noqdeen dad mideysan ayna ka go’antahay in lasii joogteeyo oo la dhameystiro dhaq-dhaqaaqa la xariira Xornimo raadinta Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Soomaaliya Xayir Cabdulle oo ka mid ah Dadkii barigaasi joogay ayaa sheegay sida Munaasabaddaasi ay u keentay Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed dhaq-dhaqaaqa Xorriyad doonka ee ay Mudada Soo wadeen Sidee ayuu ku Suuragalay maxaase la dhihikaraa waa ay soo dadajisay xornima gaaridda Gobolada Woqooyi ee Dalkeenna SoomaaliyaXaaji Shukri Sheekh Axmed ayaa arintaas ku tilmaamay in ay ku timid kadib Markii Shacabka Soomaaliyeed iyo Muwaadiniintii hormuudka ug ahaa dhanka Xorriyad raadintu ay si isku mid ah qalinka ugu wada duugeen in la iska qaado gumeysiga iyo heeryadiisa si dadka iyo dalka Soomaaliyeedba ay u gaaraan Madaxbanaani ay wax kula qaybsadaan Wadamada Asaagood ah ee ku yaalla Caalamka iyo Waliba iyagoo Maskaxda ku hayey in mar un ay gaaridoonaan madaxbannaani gumeysigana ay ka saramaridoonaan.

Habeenka 26-june Sannaddii 1960 Farxadda iyo Fantastiyaha Ku aaddan Xuska iyo weyneynta Maalinkaas Maangalka u noqday Ummadda Soomaaliyeed waxaa loo sameeyey astaama lagu xasuusto oo lagu xuso oo ay ka mid yihiin Taariiq ama maalin gaara oo la xuso Sannad walba,Heeso iyo Gabayo lagu muujinaayo Qiimaha ay leedahay Maalintaan iyo waxyaabo kale oo dhammaantood ay dadku ku xasuustaan Markii ay Maqlaan in la Joogo 26-juun oo ku beegan Markii Gobolada Woqooyi Ee Dalkeennu ay ka xoroobeen Gumeystihii Ingiriiska.

Dhaq-dhaqaaqa ku aaddan Guusha ay xoriyada ka gaartay Soomaalida waxaa ay soo martay Marxalado kala duwan waxaana jiray dad badan oo naf iyo Maalba u huray sidii Soomaaliya ay uga bixilahyd Gumeysiga Foosha Xun ee dadka iyo dalka Soomaaliyeedba ay ku hayeen Soo duulayaashii dalkeenna hagardaamada la doonayey.





Dadka la dhihikaro waxaa ay Aabbe iyo Hooyo U ahaayeen Xorriyad gaaridda Shacabka Soomaaliyeed waxaa ugu cad-cadaa 13 dhalinyaro ee dhisay Ururkii SYL waxaanse marnaba aysan Taariikhdu Iloobi doonin Halagamayashii kale sida Sayid Maxamed C/dulle Xasan, axmed Gurey, Xaawo Taako iyo Dhagaxtuur iyo kuwo kale oo taariikh iyo Xusuus dheer ku leh Taariikhda Dalkeena Soomaaliya kuwaasi oo marnaba aysan hilmaamidoonin Shacabka Soomaaliyeed ee ay xorriyadda gaarsiiyeen.

Habeenka Dabaal-dagga 26-june ee Xornimada Gobolada Woqooyi loo dabaal-dagayey Gobolada Koonufreed ee Dalka waxay weli ku sii jireen Gacanta Gumeystaha Talyaaniga oo Markaasi uu maamulayay hase ahaatee Maalmo badan kama soo wareegin Markii Gumeystaha Talyaanigu uu isaguna wareejiyay maaamulka Koonfurta Dalka Soomaaliya taasi oo ku beegneyd 1-da Luulyo 1960-kii taasi oo ahayd Afar maalmood ka dib markii Naceewda Xoriyada laga dareemay Gobolada Waqooyi ee Dalkeena iyadoona isla 1-da luulyo marka laga tago Xorriyadda Gobolada Koonfureed ay sidoo kale ku beegantahy midowgii Labada Gobol ee Woqooyi iyo Koonfur Waxaana 26-june uga bilaabata Shacabka Soomaaliyeed Todobaadka Xorriyadda oo sannad walba ay u dabaaldagaan Umadda Soomaaliyeed.

Xorriyaddii Gobolada Wqooyi ay qaateen 26-june 1960-kii waxaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya noqday AUN Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), markii uu qabtay talada dalka waxaa uu bilaabay Madxweyne Aadan Cdde Qorshayaal lagu horumarinayo wadanka bacdamaa aysan Jirin Kaabayaal dhaqaale oo uu dalku lahaa Maadaama dalku uu ka soo kabanayay raadadkii Gumeystaha uu ku reebay,waxaana sidoo kale dalka soo maray madaxweynayaal kale oo dhammaantood burburkii dalka ka hor ay ka go’neyd midnimada umadda Soomaliyeed iyo in laga dhabeeyo gaaridda madaxbannaani dhameystiran.

Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ah Madaxweynayaashii ugu saameynta badnaa ee dalka soomray ayaa mar uu ka hadlayey Munaasabadda 26-June iyo Qiimaha ay leedahay ayaa yiri.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo RW kasoo noqday Soomaaliya ayaa ka sheekeynaya Marxladaha shacbka Soomaaliyeed ay u mareen helidda iyo gaaridda Madaxbanaanida maalinkaasi ay heleen.

Gobolada Woqooyi ee Xornimada qaatay burburkii dalka ka dhacay kdib waxaa ay sheegeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale sida ay sheegeenna ay doonayaan in madaxbanaani,waxaana  maamulkaasi uu meesha ka saaray jiritaanka 26-june, Masuuliyiinta Maamulkaasi ka dhisan Gobolada woqooyi ee la magac baxay soomaaliland waxaa ay sheegeen in aysan macno ugu fadhin Xuska 26-june taa baddalkeedana ay xusaan 18-May oo ay ku sheegaan in ay tahay Markii ay ka go’een Soomaaliya sida uu sheegeen Maamulkaasi. Tan iyo Burburkii dalka Soomaliya ayaa waxaa meesha ka baxday midnimadii ummadda Soomaaliyeed waxaana isbadal ku yimid qaabkii loo xusijiray Maalintaan Qiimaha badan waxana taasi lagu tilmaamay in sabab ay u tahay burburka dalka ka jira

26-june sannaddii 1960-kii  waa maalin qiima badan,waa maalin ay dadka Soomaaliyeed usoo iftay Neecaaw xorriyadeed oo sababtay in ay dadka Soomaaliyeed ay ku naaloodaan nabadgalyo iyo gumeysi la’aan waxaana la gudboon in ay weyneeyaan xusidda maalinkaan Qiimaha iyo qaayaha leh.

Qof kasta oo Muwaadin Soomaaliyeed ah ayaa laga rabaa in uu qabigiisa ku qoro maalintaan Qiimaha badan ee hooyada u ah Xorriyadda Dalkeenna Soomaaliya.


thumbnail Title: 26-ka Juun Waa Maalin Ceenkee ah Maxeyse Bulshada Soomaaliyeed uga dhigantahay (warbixin Xiiso leh)
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-27T07:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
26-ka Juun Waa Maalin Ceenkee ah Maxeyse Bulshada Soomaaliyeed uga dhigantahay (warbixin Xiiso leh)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 27, 2016 and have 0 comments