AQRISO : Taladii uu Maxamed Cali Kalaay siiyay Gabadhiisa

AQRISO : Taladii uu Maxamed Cali Kalaay siiyay Gabadhiisa

Qisadan waxaa inooga Sheekeeneysa Gabar uu dhalay Maxamed Cali Kalaay, waxeyna hadalkeeda ku bilowday sidan:-

Waxeynu soo gaarnay Gurigii Aabe, Darawalka iyo Walaashay Layla ayaa igu Weheliyey Guriga Aabbe. Sida Caadada u ahayd Aabe, wuxuu isku Qarin jirey Albaabka dabadiisa si uu nooga Nixiyo.

M-KalaayWaanu isa Salaanay, Kasha iyo Laabta ayeynu is Gelinay, waanu is Dhunkanay si aan kala Daal lahayn. Aabe si Wacan ayuu nooga Daymo Bogtay, ka bacdi Dhabtiisa ayuu igu Fariisiyey, wuxuuna yiri hadal aanan weligay ilaabi doonin.

Isagoo Indhahayga toos u eegaya ayuu yiri:- Hana, Wax walba oo Qiimo leh oo Allaah Abuuray wuxuu u Sameeyey Dabool ayna Adag tahay in si Fudud loo gaaro.



Intaa ka dib wuxuu Bilaabay inuu Su’aalo i weydiiyo isagoo ii Raacinaya Jawaabaha, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidatan:-

1- Xagee beynu ka helnaa Dheemanta?. Waxeynu ka helnaa Meelaha Qotada Dheer ee Dhulka Hoostiisa ah, weyna Daboolan yihiin, weyna ilaashan yihiin.

2- Xagaynu ka helnaa Luulka?. Waxeynu ka helnaa Badaha Hoostooda, Halkaasay ku Qarsoon yihiin kuna jiraan Qafis Qurxoon.

3- Xageynu ka helnaa Dahabka?. Waxeynu ka helnaa Macdanta Dhexdeeda, waxaana ku Daboolan kana Sareeya Lakabyo Dhagaxaan ah, si loo helo Dheemanta, Luulka iyo Dahabka waa loo Hawshoodaa.

Intaas ka dib Labadiisa Indhood ayuu nagu soo Qaabilay, wuxuuna nagu yiri isagoo Hadalkiisa sii wata:-

Dumarka Jirkoodu wuu Barakeysan yahay, wuuna ka Qaalisan yahay Dheemanta iyo Luulka, sidaa darteed idinkuna waa inaad Asturtaan jirkiina.




thumbnail Title: AQRISO : Taladii uu Maxamed Cali Kalaay siiyay Gabadhiisa
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-14T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
AQRISO : Taladii uu Maxamed Cali Kalaay siiyay Gabadhiisa



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 14, 2016 and have 0 comments